Masuul Maraykan ah oo Booqday Suuriya

0
343

Aqalka gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in masuul sare oo Maraykan ah uu booqasho naadir ah ku tagay waqooyiga Suuriya, dabayaaqadii toddobaadkii tagay.
Brett McGurk, oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweyne Obama u qaabilsan isbahaysiga la dagaalanka kooxda la magac baxday khilaafada Islaamka, ayaa booqashadan koobneyd waxa uu ku tagay gooba ay ka mid tahay magaalada Kobani, sannad kaddib markii kooxda Daacish laga saaray magaaladaasi ay leeyihiin Kurdiyiinta.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee la ogyahay oo masuul sare oo Mareykan ah uu ku tago dalka dagaalka uu ka socdo ee Suuriya.
Aqalka Pentagon-ka ayaa sheegay in Mr McGurk, uu qiimaynayay horumarka laga gaadhay ololaha ka dhanka ah kooxda Daacish.
Tagidiisa magaalada Kobane ayaa astaan gooni ah leh maadaama faragelinta iyo duqeymaha Marykanka ay ka dhasheen go’doomin Kurdiyiinta lagu geliyay magaaladaasi.
Waqooyiga Suuriya ayaa u noqotay xuddun Milatariga Maraykanka, waxa ayna sii ballaadhiyeen teegeerada ay siiyaan xulufada Kurdiyiinta Carabta ah ee la dagaalamaya kooxda Daacish.
 

Leave a Reply