UCID Iyo WADDANI Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawladda Itaalka Daran Ee Soomaaliya

0
336

Hargaysa (Dawan)_ Xisbiyadda Mucaariddka ah ee Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey  go’aanka dawladda Soomaaliya ay ku sheegtay inay ku hakin doonto duulimaadyada u kala goosha Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho wixii ka dambeeyay 22-ka Bishan Febarwari.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si adag uga hadlay  dhawaaqa Soomaaliya ka soo yeedhay.
“ Waxa ay ila tahay marka hore waxa jiray wada hadal iyo heshiis ku saabsan dulimaadyada hawada , taa marka laga tago waxay ila tahay dawladuhu macaamil ayey lee yihiin.  Somaliland iyada xor u ah cidda ay la Macamilayso iyo diyaaradaha  ay la Macaamilayso markaa arrintaa joojinta diyaaradaha waxa aan u arkaa Masuuliyaad koowaad waxa leh diyaaradaha ganacsi ee dalka imanaya. Somaliland iyada ka masuul ah Madaxbanaanideeda iyo diyaaradaha u imanaya markaa diyaarada aan imanayey ee amarka qadanaysa waxa ay u taal mawqifka ay Xukumaddu ka qaadanayso iyo qaabka ay go’aanka uga gaadhayso diyaarada u hogaansanaata Amarka iyo go’aanka la siiyey,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo shalay xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta.
Dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya.“Haddii ay ay dulimaadka joojiyaan waxba kagama xidhna shacabka Somaliland oo waa   bulsho isku filan laakiin  iyaga innoo imaan jiray oo halkan dad ka soo jeedaa ku nool yihiin.Dadka diyaraadaha ka ganacsada maan sheegin balse shacabku waa uu isku tashaday oo madax banaanidiisa waa uu la soo noqday wax iska keen khuseeyaa ma jiro iyaga (Soomaaliya) waxa aan leenahay waxba Somaliland ha ku soo xoqanina waxa aanu nahay ummad isku tashatay hawadeeda,baddeeda iyo barigeeda u tashatay oo Maamusha isla markaana nabad gelyo buuxda haysta,” ayuu yidhi ku simaha xoghayaha  guud ee Xisbiga UCID Md.  Naasir Yuusuf Qodax Isaga oo hadalkiisa sii watayna  waxa uu intaa ku daray  “Hawadayda ma maamushaan badahayga ma maamushaan shacabkaygana ma maamushaan markaa dadkiinna iyo dalkiinna ka adkaada.”
Dhawaaqa labada xisbi mucaarid ayaa ah mid ka turjumaya in axsaabta qaranku ay sida dhaqanka u ah mar walba dhan uga soo wada jeedaan qaranimadda Somaliland.
Dadawannews Hargeysa office

Leave a Reply