Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Aqbalaynin In Maamulka Hawadeeda Lagu Wareejiyo Soomaaliya

0
282

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka duulista hawadda  Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa sheegay inaanay Somaliland aqbalaynin in hawadeeda lagu wareejiyo dawladda itaalka daran ee Soomaaliya.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay  Somaliland aaminsan tahay in la fuliyo heshiiskii maamulka hawadda ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen dalka Tukiga. Wasiir Cadaani waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya  Oglan bekar bey aule oo booqasho ku yimid dalka.
Safiirka waxa kulankan ku wehelinayey dhinaca Tukriga Qunsulka Tukriga ee Somaliland Muzaffer yuksel, dhinaca  Somaliland waxaa Wasiirka Kulankan ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada Siciid Mahdi Ileeye, Agaasimaha waaxda Maamulka iyo hawl wadeenno kale.
Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo adkayan lahaa xidhiidhka Labada dal iskaashi buuxana loo yeelan lahaa, sidoo kale waxaa kulankan xooga lagu saaray sidii Dawlada Turkigu  Somaliland uga caawin lahayd qaar ka mid ah adeegyada Arrimaha bulshada oo kala ah:-
Tababaro la siiyo Hawlwadeenada Madaarrada Somaliland kuwaas oo kor loogu qaadayo  xirfadooda Shaqada, dhismaha Terminal casri ah oo laga hirgaliyo Madaarka Cigaal International Airport iyo dhismaha Taawar laga hago Diyaaradaha oo cusub, oo laga hir galiyo Madaarka Cigaal International Airport.
Waxa kale oo uu Wasiirka Duulistu ka Hadlay Maamulka Hawada Somaliland  iyo Soomaaliya  oo ay gacanta ku hayso Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan duulimaadyada ee  ICAO, waxaanu Wasiirku Weftiga u caddeeyay in aanay marnaba cid kale Hawadooda ku wareejinayanin, isaga oo  sheegay in ay Aaminsan yihiin Heshiiskii Labada Madaxweyne ee  Somaliland iyo Soomaaliya  ku kala saxeexdeen dalka Tukriga, waxaanu soo jeediyey in wada hadlkaa Hawada iyo heshiiskaas dib loo soo nooleeyo.
 
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii loo fududayn lahaa in ay diyaarada caalamiga ah ee Turkish Airline duulimaadyo uga bilaabi lahayd Garoomadda  Somaliland.
Kulankan ayaa ku dhammaaday is fahan iyo is afgarad iyada oo Safiirka  Tukrigu balan qadaay in uu dawladiisa u gudbin doono, caawimada iyo Arrimaha  ay u soo jeediyeen, Masuuliyiinta Wasaardda Duulistu Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka Duulista iyo Safiirka Tukriga, Qunsulka Tukriga ee Somaliland, waxa ay shalay galab gagada diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku sii sabootiyeen Guddoomiye Ku xigeenka Guddida Arrimaha dibada   Baarlamaanka dalka Tukriga C.Kani torum, oo dalka Somaliland booqasho ku Joogay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply