Arday Araga Naafo Ka Ah Oo Ka Hadlay Celiyay Sidii Ay Ku Barteen Mihnada Saxaafadda

0
318

Hargeysa (Dawan):-   Laba arday oo aragga naafo ka ah, isla markaana jaamacadda SIDAM ka barta mihnada  saxaafadda ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ugu suuro-gashay in ay ka midho dhaliyaan himiladooda waxbarasho iyo waxa ay ku doorteen mihnada saxaafadda.
 
Labadan Arday oo magacyadooda la kala yidhaahdo Yoonis Cabdiraxmaan Jaamac iyo Xaawa Jaamac Cabdi, oo uu xogwaraysi gaar ah la yeeshay wargeyska Dawan, waxa ay sharaxaad dheeraad ah ka  bixiyeen sooyaalkoodii waxbarasho iyo heerarkii ay la soo martay.
 
 
 
Yoonis Cabdiraxmaan  Jaamac ayaa ugu horrayn ka hadlay taariikhdiisa waxbarasho iyo sababaha uu ku doortay barashada mihnada saxaafadda, waxaanu yidhi “Anigu ilaa weligay intii aan yaraa waan taageeri jiray mihnadan saxaafada, manaan aqoon meel lagu barto mihnadan, laakiin waxa aan dadaal u galay sidii aan u heli lahaa goob lagu barto. Waxaan dhagaystay wiil indhoole ah oo wariye ah, taasaanaa igu sii dhiiri galisay in aan sii dhex galo barashada mihnadan.”
 
Yoonis sidoo kale waxaa uu ka hadlay  rejadiisa iyo heerka uu doonayo in uu ka gaadha saxaafadda, waxaanu yidhi “Qorshaha ku talagalkayga ee dhanka mustaqbalku waxaa uu yahay inaan ka midho dhaliyo cilmigan iyo aqoontan aan bartay, isla markaana aan noqdo wariye caan ka ah meelkasta oo ay  Soomaalidu dagto, darajada aan higsanayaa mustaqbalka fogna waxaa ay tahay in aan noqdo heer wasiir amase agaasime. waxaanan jecelahay oo aan doonaya inaan kaga hawl galo cilmigan iyo aqoontan aan bartay warbaahinta isla markaana aan noqdo wariye Telefiishan.  Aniga oo sagaal bilood jira ayaa dhakhtar magaalada Hargeysa ku yaalay la ii geeyay, ka dibna dhakhtarkii ayaa xanuun aan iheyn igu sheegay, dhakhtarkaasina waxa uu igu muday irbadii kaneecada dabadeetana irbadii  la igu muday ayaa waxyeelo u gaysatay aragaygii, markaa sidaa ayaan ku indho beelay.”
Geesta kale Xaawa Cabdi Jaamac oo iyaduna ah gabadh araga naafo ka ah, isla markaana cilmiga saxaafadda ka barata jaamacada SIDAM, ayaa waxay ka warantay  sababta ku dhalisay in ay barato mihnada saxaafadda,  waxayna tidhi “Aniga waxyaabo badan ayaa igu dhaliyay inaan bahda warbaahinta ka mid noqdo, sababta koobaad ee igu dhalisay inaan wariye noqdaana waxa weeyaan sinaanta dadkeena, in ay dadku caddaalad helaan, wariyayaasheenu inta badan waxaa ugu badan ee ay ku mashquulaan waa dhanka  siyaasada, laakiin dad badan oo u baahan in la garab joogsado ayaan anigu arkayaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka naafada ah iyo kuwa taagta daran.”
Xaawa waxa kale oo ay ka hadashay noocyada warbaahinta ee ay danaynayso in ay ka hawl gasho, waxaanay tidhi “Kolay ooda dhacameed sida ay u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa ,markaa anigu wakhtigan xaadirka ah waxaan jecelahay inaan shaqadaydaa aan ka bilaabo Tv-yada amase Idaacadaha, iyo waliba qaybaha qoraalka oo aan qofkasta sida uu wax ku fahmayo aan ugu dhigo.” Xaawa  waxay sheegtay in ay farta ay wax ku qoraan dadka araga ka naafada ah ay u badali karto ama ku qori karto Computer si loo wada fahmi karo, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Markay noqoto is fahanka dadka araga naafada ka ah iyo bulshada kale, markay qoraal tahay waxaan samayn karaa in wixii aan diyaariyay aan Kombiyuutarka ku qoro, si aan uga dhigo qoraal cid kastaa ay fahmi karto.”
Xaawa Cabdi mar ay ka hadlaysay sida ay u danaynayso mihnada saxaafadda iyo cidda ugu badan ee ay ugu adeegi doonto waxay tidhi “Waxa aan maanta doonayo inaan aqoontaydan iyo cilmigaygan wariyenimo inaaan wax ugu qabto dadka aan maqalkooda iyo codkoodu toona soo gaadhin bulshada, markaas dadkaas ayaan doonayaa inaan sare u soo qaado, oo aan soo gaadhsiiyo warkooda bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanan doonayaa inaan ka midha dhaliyo rajadeydaa Illaahayna ii rumeeyo.” Waxa kale oo  xustay  in ay ku soo dhalatay naafada arraga, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Indho la’aantu waa mid aan ku dhashay oo markii aan ifka imanayay Illaahay hadiyad ii siiyay, inaan aduunyada la imaado, waana mid aan aad ugu faraxsanahay, in Illaahay isoo raaciyo oo aanu dadka kale soo raacin aniga oo uurka hooyaday ku jira lay abuuro inaan noqdo qof aan araga waxba ka arkayn, laakiin awoodo kale oo badan Illaahay isiiyay. hadiyadaha Ilaahay ku siiyo iyo kuwa uu kaa qaado waxa aad u faro badan kuwa uu ku siiyo, markaa Illaahay qofna ma qadiyo, hadii Illaahay qof il ka awdana intaas oo kale oo ilood ayuu u furayaa oo uu siinayaa markaa indha la’aantu ma aha cudur ee waa hadiyad Ilaahay dadkiisa siiyo aniguna aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay. iyada oo hadalkeeda sii wada waxa ay intaas ku dartay “Markaa la xusayo maalinta xuquuqal insaanka waxa inta ugu badan hadlaa waa dadka wariyayaasha ah, waxaanay yidhaahdaan xuquuq baa naga maqan, waa la dulmaa warbaahinta, marka la sii eegana waxaan odhan kara bulshadeena wariyayaashu waa kuwa ugu dhibta yar leh.”
 
 
 
Xaawo waxa ay carabka ku dhufatay in ay jiraan dad badan oo u baahan in hoos loo eego, waxaanay tidhi “Bal eeg ilma yar oo aan waaliidkii la nooleyn ama ha kala tagaan ama se duruuf kaleba ha haysee, waa uu dhaxamoonaya cidina ma dareento, wuu gaajoonaya cidina ma dareento, qof xuquuqdiisa ka hadla maxaa loo waayay, ma aha malaha dad oo wuu hadli karaa laakiin waxa uu waayay cidii xil iska saari lahayd ee maykarafoonka iyo isha kamarada ugu hiilin lahayd. Markaa waxaan doonaya inaan noqdo wariye codkeeda sare u qaada bulshada jilicdsana ugu adeegta.”
 
Yoonis Cabdiraxmaan iyo Xaawa Cabdi tallaabadan ay ku dhaqaaqeen ayaa waxay noqon kartaa mid dhiiri galin u noqota dad badan oo sidan oo kale araga naafo uga ah, aaminsana in aanay waxba baran karin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply