Qiso: Markuu U Galay Gabadhiisu Way Oyaysay!

0
342

Markii ay gabadhiisa murmeen ayuu nin Faransiis ahi hadalo xun oo ay aad u dhibsatay ku yidhi , ka dibna wuu iska baxay.  Ninkaasi ayaa ku soo noqday  gurigiisa wax yar ka dib, waxaana uu la kulmay gabadhiisa oo ooyaysa.  Wuxu fadhiistay dhinaceeda, wuu eegay waxaana uu ku yidhi : “ Miyaanad ogayn inaad adigu tahay gabadha labaad ee dunida ugu quruxda badan, maxaa ku helay ? !.  Wakhtigaasi ayay dhoola cadaysay  oo wejigeeda faraxadi dabooshay. Waxaanay si la yaab leh u tidhi : “ Oo Waa tuma gabadha kaalinta koowaad ahi heshay ?”.  Haa, sidaasi ayay weedhaha hadalku ka hor ficilka u yihiin kuwo marna qofka ka oohiya oo murugo ku abuura, marna ka qosliya oo farxad geliya. Maxaa ku diidaya inaad mar kasta hadal wanaagsan ku tidhaa xaaskaaga iyo bulshada kale, si aad u noqoto farxad dhaliye.
Nin kale oo Masaari ah ayaa isna u galay gabadhiisa oo fakhri ka ooyaysa, markii uu ag fadhiistay ayuu yidhi “ Yaa Fataax, Yaa Arsaaq, Yaa Caliim”.  Iyadoo yaaban ayay eegtay , waxaana uu ku yidhi waxaad ka ooyayso ayaan Allaha (sw) inooga baryay inuu inaga dul qaado. Markaasi ayay iyaduna ku tidhi iyadoo faraxsan “.  Oo maxaad hore iigu beri weyday ducdan”.  Bar qofka murugaysan jihada looga dhaqaaqo goobta calaacalka iyo murugada ee mugdiga ah.

Leave a Reply