Kuraas Kuwa Qolalka Fadhiga La Dhigto Ah Oo Aanay Karayn Xabadu Oo La soo Saaray

0
259

Shirkad laga lee yahay wadanka Scotland ayaa soo saartay markii ugu horeysay kursi aanay xabadu karayn oo ah nooca la dhigo qolalka fadhiga,kuwaas oo loogu talo galay inay dadku kaga badbaadaan hadii guryohooda lagu soo weeraro.
Kuraastan ayaa ah kuwa raaxada loogu talo galay,waana kuraas aanay cidi is odhanayn xabadu ma karayso,waxaana soo saaray shirkad lagu magcaabo Osdin Shield,taas oo ku caana soo saarista kuraasta iyo waxyaalaha kale ee guryaha la dhigto.
Kuraastan ayaanay karayn rasaasta qoryaha daran dooriga u dhaca ka dhacda iyo sidoo kalena rasaasta baastooladaha laga rido,taas oo ah kuwa inta badan dadka lagu weeraro,waxaanay badbaado u noqon kartaa kumanaan qof oo laga yaabo in si fudud loo laayo.
Kuraastan oo ay soo dhoweysay dawlada Scotland ayaa la filayaa in lagu baahiyo iib ahaan qaaradda Yurub,iyada oo sidoo kalena la dhigi doono meelaha Hudheelada,Masxafyada iyo goobaha dawlada,waxaanu sheegay afhayeen u hadlay shirkadaasi samaysay kuraastaasi in aan weli la dhamaystirin kuraastaasi ,laakiin la rajaynaayo in dhowana la wada dhameeyo,iyaga oo qiime ahaana noqon doona lacag dhan ilaa 10,000 oo Pound.
 

Leave a Reply