Naxariista Allah (sw) Ayaa Janada Lagu Galaa!

0
1082

Malikul Jibril (cs) ayaa Rasuulkeena (scw) uga waramay qiso cajiib ah. wuxuuna yidhi:โ€ waxaa jiray nin Ilaahay (sw) caabudayay 500 oo sano oo isku xigta. Wuxuu ku noolaa buur dusheed, oo bad biyo dhanaani ku hareeraysan tahay, hase ahaatee Allah(sw)ย  ayaa buurta korkeeda u ka siiyay il biyo macaan, oo uu ka cabi jiray, waysadana u isticmaali jiray. Waxaa sidoo kale oo Allah (sw) ku arsaaqay midhaha geedka Rumaanka ah oo buurta dusheeda ka baxayay.
Maalin ayuu ayuu Allah (sw) ka baryay inuu dhinto isagoo sujuudsan. Allah (sw) ayaa ka aqbalayย  waxaana uu dhintay isagoo sujuudsan. Malikul Jibril (cs) ayaa yidhi โ€œMaalinta Qiyaamaha Ilaahay (sw) wuxuu amrayaa Malaaโ€™igta inay ninkaasi Jannada ku geeyaan Raxmaddiisa awgeed. Laakiin ninkaasi ayaa codsan doona in Jannada lagu geliyo camalkii uu shaqaystay darteed (500 Sano).
Kadib ayuu Allah (sw) amraya Malaaโ€™igta inay is barbar dhigaan camalkiisa iyo nicmooyinkii Ilaahay (sw) ugu deeqay.
Intaasi ka dibna ayaa waxaa muuqanaysa in cibaadadiisii 500 sano ahayd aanay nimcada Allah(sw) siiyay xataa uga dhigmin isha wax lagu arko ee la siiyay. Markaasi ayaa Malaaโ€™igta la amraya inay ninkaasi u kexeeyaan dhinaca naarta. Aad iyo aad ayuu ninkii u qeylinayaa isagoo Allah ka baryaya naxariis oo leh โ€œAllow Naxariistaada igu geli Janadaโ€. Jannada waxa lagu gala Naxriista Allah (sw) , waayo waxa dhex yaala ma goyan karaan camalka yar ee aan shaqaysnayno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here