Xulafada Madaxweyne Rouxani oo Guul ka Gaadhay Doorashadii

0
473

Xulafada madaxweynaha isbedal doonka ah ee Iran, Xasan Rouxani, ayaa guul weyn ka gaadhay doorashadii dalkaasi ka dhacday, iyaga oo la filayo in ay ku wada guuleystaan dhammaan kuraasta caasimada Tehran.
Doorashada ayaa ah tii ugu horreysay ee ay Iiran yeelato tan iyo markii uu dalkaasi quwadaha adduunka la saxiixday heshiiska nukliyeerka.
Malaayiin codbixayaal ah ayaa Jimcihii doortay baarlamaanka Iran ee ka kooban 290ka xubnood iyo weliba golaha khubarada.
Golahaasi oo ka kooban 88 xubnood ayaa doorta hogaamiyaha ugu sareeya dalkaasi, waxaana laga yaabaa in ay magacaabaan ninka bedali doona Ayatollah Khamenei oo ah 76 jir  haatan aanu  caafimaadkiisu wanaagsaneyn.
Dhanka kale, musharraxa qolyaha mayalka adag ee Iran, Ayatollah Taghi Mesbah Yazdi, ayaa guuldarro weyn kala kulmay doorashada  isaga oo meel hoose ku jira.
Siyaasiyiinta isbedal doonka ah ee Iran ayaa xoogga saaraya sidii ay maalgashi shisheeye ugu heli lahaayeen dalkooda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii ay saareen waddamada galbeedka.

Leave a Reply