Shokolaatada Oo La Ogaaday Faa'iidooyin Ay Leedahay

0
553

Daraasad cusub oo ay in dhoweydba wadeen khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa markii ugu horeysay laga soo saaray natiijo,iyada oo ay baadhayeen khubaradani caafimaadu xidhiidhka caafimaad ee Shokolaatada iyo cuntooyin kale cuntooyin ka la xidhiidha Shokolaatada .
khubaradan baadhitaanka wadey ayaa sheegay in ay jirto faa’iido weyn oo ay shokolaatadu u lee dahay caafimaadka dadka ,waxaanay sheegeen khubaradani inay jirto faa’ido weyn oo dhanka wadnaha ay u lee dhaay shokolaatadaasi.
khubaradan ayaa sheegay in ay u fiican tahay Shukulaatadu dhinaca wadnaha,iyada oo sidoo kalena u wanaagsan dhinaca xididada dhiiga ,kuwaas oo ay ku samayso inay balaadhiso,sidoo kalena ay ka nadiifiso gebi ahaanba waxyaalaha xashiishka ah.
waxa kale oo ay culimadan caafimaadku sheegeen in ay Shokolatadaasi kobciso wax soo saarka maskaxda dad,iyada oo qofka inta badan isticmaalaa noqdo mid fikirkiisu dheeraado sidoo kalena dhinaca xifdiga ay aad u wanaajiso.
khubarada caafimaad ee daraasadan wadey ayaa ka kala socday jaamacaddaha University  of Luxembourg oo ah mid lagu dhigto Caafimaadka iyo Jaamacadda University of South Australia  iyo jaamacadda Maine University ayaa ahaa kuwo shaqadaasi wada waday,waxaanay soo gebo gebeeyeen dhowaan,waxaanay sameeyeen tijaabooyin kala duwan ,iyada oo dadkii tijaabadaasi lagu sameeyey ama sameeyey dad aad u badnaa oo gaadhaayey tiro ahaan ilaa 968 qof,waxaanay dadkaasi da’ahaan u dhexeeyeen 23 sanno jir ilaa 98 sanno jir.
daraasadan intii lagu jiray waxa kale oo la baadhay waxyaalo ay kamid ahayd khudaar kala duwan,bariis,hilib iyo Shokolaatooyin kala duwanaa,kuwaas oo ahaa kuwa natiijadan laga helay.
waxaanay ugu dambayn khubaradani kala baxeen cuntadaasi Shokolaatada oo ay baadhitaan dheer ku sameeyeen,waxaana lagu guulaystay dadkii tijaabada lagu sameeyey gebi ahaanba,kuwaas oo dhinacyo kala duwan laga eegaayey intii ay tijaabadaasi socotay.
khubaradan ayaa daraasadan gebo gebadeedii ku sheegay in ay Shokolaatadu faa’iidooyin badan u lee dahay maskaxda iyo sidoo kalena xididada dhiigu maro,waxa kale oo ay sheegeen in ay wadnaha aad ugu fiican tahay,iyada oo keenta in uu si fudud dhiigu u maro xidido badan oo jidhka ah.
 
 
 

Leave a Reply