Faaidooyinka Kalluunku U Leeyahay Caafimaadka QofKa Iyo Bulshada

0
289

Kalluunku wuxuu door weyn ka qaataa badbaadinta iyo caafimaadka ummada guud ahaan ku nool adduuunka, waxaanu si gaar faa’’iido ugu leeyahay waddamada soo koraya, qaar ka mid ah dalalka ugu faqrisan qaarada aasiya sida Bangladesh iyo Cambodia ayay bulshadoodu 75% ku tiirsan yihiin ka ganacsiga kalluunka, galbeedka Afrika waxa lagu qiyaasaa 30% inay xoolaha uga badnaan lahaayeen haddii ay sidiisa uga faa’iidaystaan kalluumaysiga.
Kalluunku waxa laga helaa nafaqayn aasaasi ah, gaar ahaan barotiino tayo leh,  dux, fiitamiino iyo macdan kala duwan.
Barotiinnada: Barotiinada kalluunku waxay muhiim u yihiin koritaanka iyo horumarka jidhka sidoo kale ilaalinta iyo hab-dhiska jidhka.
Kalluunku waxa oo uu faa’iido u leeyahay in dheefshiidka qofku uu si fiican u shaqeeyo, isla markaana waxa ay barotiinadiisu hoos u dhigaan culayska jidhka.
Kalluunku wuxuu ka kooban yahay barotiino badan oo 18 – 20%,  uu jidhku u baahan yahay, waxa kale  oo ku jira siddeed shay oo muhiim oo aysiish ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin nooca loo yaqaan Sulphur.
Duxda: Duxda kalluunku waxay ku xidhan tahay hadba sida loo kariyo ama loo shiilo, laakiin si guud kalluunku wuxuu leeyahay dux aad uga yar hilibka xoolaha.
Duxda kalluunka waxa lagu qiyaasaa 0.2%  ilaa  25%. Si kastaba ha ahaatee  duxdaasi waxay muhimad weyn u leedahay koritaanka carruurta, sidoo kale waxay dawo ka tahay am aka hor tagtaa xanuunnada ku dhaca wadnaha.
Xilliga ay hooyadu uurka leedahay waxay dhakhaatiirtu kula taliyaan inay isticmaasho kalluunka, taasoo faa’iido weyn u leh ilmaha uurka ku jira iyo hooyaddaba. Sidoo kale duxda kalluunka waxay ka qayb qaadataa qaybinta tamarta jidhka.

Leave a Reply