Midowga Yurub iyo Turkiga oo ku Heshiiyay in Qaxootiga dib loogu Celiyo

0
294

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay inay heshiis suurta gal ah isku raaceen xukuumadda Ankara, si kumanaan muhaajiriin ah dib loogu soo celiyo Turkiga, ayna ku kalsoon yihiin inay heshiis buuxa la gaadho toddobaadka dambe.
Kadib bilo heshiis la’aan ah oo 28-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ay isku hayeen lacag, ayaa waxaa hogaamiyayaashu ay ogolaadeen inay lacag dheeri ah siiyaan Turkiga, si loogu caawiyo qaxootiga.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in kulanka uu abuuray rajo ah in su’aasha ku saabsan qaxootiga loola tacaali karo isku duubnaanta Midowga Yurub iyo wada-shaqeynta xooggan ee ka dhaxeysa Turkiga.
Waxaa iminka isha lagu wada hayaa kulan madaxeedka labada maalmood socon doonaa ee billaabanaya 17-ka bishan Maarso, kaasi oo heshiiska lagu saxiixi doono.
Wada-hadallada ayaa waqti dheer socday, ayada oo Turkiga oo marti-geliya 2.7 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah uu dalbaday 3.3 Bilyan oo dollar oo dheeri ah, taasi oo ah laba laab lacagtii hore uu Turkiga uga heli jiray Midowga Yurub.
 
 

Leave a Reply