Taariikh Nololeedka Xassan Al-turaabi

0
344

Hassan al-Turabi, hoggaamiyhii mucaaridka Suudaan ee gacanta ka siiyay Madaxweyne Omar al-Bashir  inuu awooda qabsado ayaa ku geeriyoodey da’da  84 waxaana maanta lagu aasay magaalada  Khartoum.
Mr Turabi waxa u ahaa gacanta midig ee  Mr Bashir markii uu xukukna qabsadey inqilaab sannadkii haseyeeshee waxa ay isku dhaceen oo kala boodeen  toban sano kadib.
Tobankii sano ee u horeeyay ee xukunka  Mr Bashir waxa uu Mr Turabi ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalkaasi, waxaanay saameyntiisu gaadhay dhul ka talosan xudduudaha Suudaan.
 
Telefishanka qaranka oo ku dhawaaqey geeridiisa ayaa ku tilmaamay mufakir islaami ah oo caan baxay.
Sannadihii awoodiisu halka u sarreysa mareysay waxa uu hirgeliyay in la dabaqo islaamka lana dhaqangeliyo shareecada.
Osama bin Laden ayaa aqbaley martiqaa loo fidiyay inuu ku noolaado Suudaan, waxaana la sii ballaadhiyay dagaalkii sokeeye ee ka dhanka ahaa suudaanta koofurta ee aan badankoodu aheyn muslimka.
 
Sannadkii 1999, ayaa loolan awoodeed uu  Mr Bashir kaga adkaadey Xassan Al-turaabi, waxaanu markaa dhidibada u taagey xisbi mucaarid ah , balse intii badnayd tobankii sano ee xigey waxa uu ku qaatey xabsiga.
Xassan Al turaabi waxa uu ku dhashay magaalada  Kassala oo ku taal bariga  Sudan, waxaana aabihii ahaa  wadaad deegaanka ah.
Mr Turabi waxa uu u guurey  Khartoum si uu u barto sharciga ka hor intaanu waxabarasho u sii  tegin si u ugu dhameystiro daraasadiisa  London iyo  Paris.
Waxa uu ku biirey Akhwaanu muslimiinka 1964.Waxa uu ahaa nin tacliintiisu aad u sarreyso oo saameyn mug weyn leh, waxaanu u doodi jirey  xuquuqda haweenka, dimoqraadiyada islaamiga h, waxaanu isu arkayay isbeddel doon dhexdhexaad ah.

Leave a Reply