Aabahay iyo awoowgay si isku mid ayay u dhinteen!

0
352

Kabtankii badmareenka ah oo Marakab wada ayay is waraysteen ninkii dekeda joogay oo wedyiiyay goortii uu bilaabay badmareenimada. Wuxu u sheegay inuu ka dhaxlay abihii , oo aabihiina uu awoowgii ka sii dhaxlay. Labadoodba ay badda ku dhinteen. Ninkii aya yaabay oo yidhi“ Oo ma adigoo aabaha iyo awowgaa ay dishay  ayaad adiguna badda ku jirta ?”   Badmareenkii aya weydiiyay adiga aabaha xaguu ku dhintay wuxuun yidhi aabahay iyo awoogayba waxay ku dhinteen gurigayaga yaala “? Badmareenkii aya ugu jawaabay oo ma iyagoo labdoodiiba ku dhintay ayaad aadna weli joogtaa guriga.  Inta uu u dhaqaaqay dhinaca marakabkiisa ayuu ku yidhi “ Noqo mid mahad naqa inta aad nooshahay, ogowna inay aduunyadu tahay maalmo wareegaya, haddii aad arin goostana Allah talo saaro”.

Leave a Reply