Giriiga oo ka Hadlay Heshiiska Midawga Yurub iyo Turkiga ee Qaxootiga

0
302

Ra’iisulwasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras ayaa sheegay in heshiiska Midowga Yurub uu la galay Turkiga uu gacan ka gaysan doono joojinta qaxootiga.
Waxuuna intaasi ku daray inaan loo dulqaadan karin dadka doonaya in ay Yurub galaan.
Giriigga ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee muhaajiriinta ay ka galaan Yurub.
Sida uu dhigayo heshiiskani cusub, Turkey ayaa dib u qaadan doona muhaajiriinta sharci darrada ah ee soo gaaDHa jasiiradaha Giriigga.
Taasi badalkeedana Midowga Yurub waxa uu dib u dejin siinayaa tiro dad ah oo reer Suuriya ah oo ku jira xeryaha qaxootiga ee ku yaala gudaha Turkiga.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa sheegaysa in dib u celinta qaxootigaasi ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah.
Hase yeeshee ra’iisulwasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras ayaa ku adkeysanaya in Yurub aysan aqbali karin muhaajiriinta tirada badan ee ka imanaya waddamada aysan colaadda ka jirin.
Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa waxaa uu sheegay in dib u celinta dad aan difaac ku haysan gudaha Turkey ay xad gudub ku tahay shuruucda reer Yurub iyo tan caalamiga ah.
Waxaa kale oo uu sheegay in ballantii Yurub ee ahayd in ay dib u dejin u sameyso dadka qaxootiga ah ay haatan aad uga hoosayso heerka baahida jirta.
 

Leave a Reply