Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Imaaraadka Carabta

0
275

Hargeysa (Dawan)- Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shlay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay  wefti balaadhan oo ka socda dawladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).
Weftigan oo  ka koobnaa toban xubnood oo uu  hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Maxamed Madar Saalim Al-kacbi, kuwaasi oo  shalay subax soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxa weftigan Maxamed Madar Saalim Al-kacbi ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport illaa iyo intii uu marayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu  booqday.
Maxamed Madar Saalim Al-kacbi  wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa  dhowr iyo soddon sanno ka hor goob lama degaan ah oo  faqri iyo aqoon darro  taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa weftigu hogaaminta wanaagsan ee Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku  hogaaminayaan dalka Somaliland.
Sheekh Madar Saalim Al-kacbi Wuxuu intaa  ku daray in wax kasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadka Carabtu kala hadhaynin dalka Somaliland oo  uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.
Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada Hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay heshiis kala saxeexanayaan  maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.
Madax weftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuu  ku sugnaa.
Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha  Madaxwaynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo  loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaah Ismaaciil Saylici, ku simaha Madaxwaynuhu waxa uu intaasi raaciyay in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadkiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.
Ugu Danbayntii  ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed  Madar  iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.
Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta Somalialnd Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaalada abaarta dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.
Weftigu waxa kale oo ay mareen xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee Hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada Hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud  Yuusuf   oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.
Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply