WEEDHA WARGEYSKA: Shacab Iyo Dawladba Aynu U Midowno Samato-bixinta Dadkeenna Xabaasha Qarka U Saaran!

0
316

Tabaalaha abaaraha kulul ee ku hawaarsaday Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay heer xanuun  badan. Waxa shalay ku dhintay  laba qof oo cusub deegaanka  Fardo lagu xidh oo ka tirsan degmadda Lughayaha ee gobolka Awdal ee habasaha abaartu taseeyeen. Labadan qof ee dhintay waxay ka dhigayaan dadka ku naf waayay  Gobolka Awdal  macaluul iyo haraad dartood siddeed qof oo iskugu jiray dadka nugul sida  caruur, haween iyo waayeel.  Arrintaasi ma aha mid indhaha laga qarsan karo, waxaana lagama maarmaan ah in xukuumad iyo dadweyneba hurdada laga kaco oo si ficil ah oo baaxadeeda leh lagu samato-bixiyo dadka xoolihii ay dhaqanayeen ka baxeen isla markaana iyagu haatan gaadhay marxalad adag oo dhimasho gaadhay.
Waxa ayaan darro ah in dadka ku tabaaloobay abaartan riiqda dheeraatay ay gaadhay illaa xad ay tahli kari waayeen  tamar darro darteed inay karsadaan raashin haddiiba ay helaan. Taasina waxay sababtay in Maamulka Gobolka Awdal oo si waddaniyad leh iskaga xil saaray badbaadinta dadweynaha  abaareysani inay dedaal u galaan inay cunto bisil iyo biyo ay u geeyaan qeybo badan oo ka mid ah dadkan xaaladoodu aadka u culus tahay.
Badhasaab Ramaax waxa uu abaabulay inuu bulshadda reer Boorame si iskaa wax u qabso ah ay gaadiidkooda ku tabarucaan si loogu soo daad gureeyo dadka jilicsan ee aan socon karin si looga hortago inay dhintaan dad kale oo muwaadiniin  ah oo xoogooda iyo maalkoodaba Somaliland  aanay ka maarmi karin.
Geesta kalena, waxa xukuumadda Somaliland ay samaysay  baaqyo qeylo dhaan abaareed ah, iyadoo shalay oo u dambaysay uu Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ahna Afhayeenka xukuumaddu uu soo saaray  war-murtiyeed uu beesha caalamka kaga dalbaday inay dadka abaaruhu hagaajisiyeen lagu samato-bixiyo gurmad caalamiya, iyadoo dadku ay qarka u saaran yihiin  geeri.
Sidoo kalena, waxa iyana ololaha  dadka loogu gurmanayo ay tahay inay barbar socoto In ALLE barri iyo roob doon dalka laga oogo, taasi oo uu Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, khamiistii toddobaadkii hore iclaamiyay in wadanka oo dhan laga oogi doono salaad roob doon ah maalinta Salaasadda  ee 22-ka Bishan March. Waxase aan wali inta badan masaajidada dalka gaar ahaan caasimadda laga dhaqan gelin  ducadda qunuuda ahayd ee Wasiirku ku baaqay in salaadaha faralka ah lala yimaado, taasi oo ah qeyb ka mid ah ducooyinka aynu EEBE iskugu dhiibayno,  kagana  baryayno inuu innaga faydo  xaaladdii u adkayd ee abaareed ee qarnigan  Somaliland ka dhacday.
Waxa iyana daruuri ah in shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay yaqiinsadaan inay kaalinta ugu weyn ay ka ciyaari karaan samato-bixinta dadka reer Miyiga oo ah dhaxalka rasmiga ah ee dalkeenu leeyahay. Waxa loo baahan yahay inaynu fahanno marka aynu arladda guudkeeda iskaga naxariisanno in naxariista EEBE-na markaas imanayso. Ka warama haddii  qoys  kasta oo reer Somaliland ah oo awoodi karaa ay maalin wada diraan min shan doolar oo kaliya. Intee in leeg ayay qaban lahayd?
Arrinta kale oo ray’ul caamka bulshadda niyad jabka ku riday waa dhaqdhaqaaqyadda xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI oo dadka abaareysan ee qarka u saaran geerida deegaamadooda ku maraya ololeyaasha siyaasadeed ee aan loo baahnayn oo wacyigelintii diiwaan-gelintu  u noqotay mid ay cuddudooda ku soo bandhigaan xisbiyadda waxay tahay inay ka war-qabaan in bulshaddu ay guntanayso facaa’ilka  siyaasiyiintooda ummadda jilcday   durbaanadda ka dul garaacaya ee waliba laga yaabo inay ugu dudaan in dadkaas dhimayaa ay sacab kala hor-tagaan.
Waxa kale oo iyana innala gudboon haddii uu ALLE innaga soo jabiyo dhibta abaaraha oo uu raxmaadkiisa innoo shubo inaynu la nimaadno xamdi naq balaadhan oo aynu ugu shugri naqayno duruuftii aynu soo marnay shacbi iyo qaran-ba,  sida uu abwaanka  indheer-garadka ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Innoogu sheegay tuducyo ka mid maansadiisii  DABO-HUWAN, oo aan ka soo xigtay meerisyaddan aan ku soo khatimayo qormadan:-
 
“Naftiisa qofkii dulmiyey
  Deyrkaaga Rabbow ka baxay
 Muxuu halis daaqayaa
 Addoonku Rabbow ma dayo
 Deeqdaada intuu hantiyo
 Duntii maqan buu tebaa
 Wax uu degdeg kaaga filay
 Haddaanay ku soo dul quban
 Cadhuu la dakaamayaa
 Dibnuhu baryaday karaan
 
 Daryeel kama mahad ceshaan
 Jiilaal la darbbaysan yahay
 Diihaal iyo gaajo kulul
 Haddii beri roob ka da’o
 Qof doogey markaas illow
 Siduu u ducayn yiqiin
 Susuusba ka sii durduri.”
 
 
dawaneditor@gmail.com
cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply