Donald Trump oo Jidgooyo loo Dhigay

0
311

Dad ka soo horjeeda ninka taajirka ah, Donald Trump ayaa waxa ay gooyeen waddo weyn oo Arizona ku taalla oo tegaysay goob uu isu soo bax ku qabanayay musharaxan.
Booliska waxa ay xidheen seddax qof oo lagu eedeeyay jidgooyo, intii ay isku deyayeen inay wadadaasi furaan.
Dibad baxayaashan waxa ay ka cadheysan yihiin aragtida dooda dhalisay ee Mr Trump uu aaminsan yahay.
Donald Trump waxa uu hadda hogaaminayaa musharrixiinta ku loolamaya xisbiga Jamhuuriga ee doonaya inay helaan magacaabista ay uga qeybgalayaan doorashada Maraykanka.
Trump hadda waxa uu laba jibaaray kullamada uu qabanayo, iyadoo ay jiraan iskudeyo lagu hor istaagayo.
Kumanaan qof oo kale ayaa ku mudaaharaaday magaalada New York, meel u dhow dhismihiisa Trump Tower, waxayna ku qeylinayeen “Donald Trump la tag cunsuriyadaada, xaqiraadaada” iyo ereyo kale oo la mid ah.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply