Dhulka Buuralayda ah ee dalka Bolovia waxa ku nool dad asalkooda hore dhulkaasi deganaa oo loo yaqaan dadka Emar.ย ย Dadkan ayaa u nool si yaab leh iyagoo ka goโan dunida inteeda.
Waxayna ku dhex nool yihiin buurlayda Andes.ย Dadkan ayaan seexan ilbidhiqsina maalamaha Salaasada iyo Jimcahaย ee todobaad kasta iyagoo aaminsan in Jinku u hanjabayo soona weeraryo haddii ay seexdaan. Maalmahan ayay wejiyadooda qariyaan waxayna aadย cabaan Tubaakada qiiqa ah iyagoo aaminsan inay tani ka eryayaso Jinka. Dhaqankan ayay dadkani iska soo dhaxlayeen muddo dheer oo kumanaan sanoย ah waxayna u noqotay caado joogto ah.






















