Saxiibka Iyo Jaarka Xun Waxay Dhib Ku Yihiin Bulshada

0
402

Daraasad cilmi ah oo lagu daabacay Bogga Internetka ee CNN (Maraykanka) ayaa cadaysay  in Jaarka wanaagsani ee u gargaara, kana war haya dadka la jaarka uu saamayn togan oo xagga caafimaadka iyo niyadda ahba ku yeesho dada la jaarka ah.
Cilmi baadhayaasha oo daba socday daraasad hore loogu daabacay wargeyska Community health ayaa iyaguna arinkaasi ku raacay. Wargeyska Community health ayaa isagu qoray in dad waayeel ah oo ka  badan 5 kun qof, oo aan haysan jaar fiican ay ka cabanayaan xanuunad wadnaha iyo werwerka nafta. Halka kuwo la mid ah oo helay jaar kaalmeeya isla markaana caawiya oo ka warhayaa ay yihiin kuwo aad uga nabad galay xanuunada wadana xanuunka iyo werwerka. Waayeelkaasi si darxumo ah u nool iyagoo xataa cidiyuhu ku baxaan, inta badan ka fekera caruurtii ay dhaleen haddii ay jiraaan.
Xadiis : Ruuslka (scw)” Qoka Rumeeyay Allah iyo Maalinta Qiyaame ha sharfo jaarkiisa” Xadiis Mutafiq.

Leave a Reply