Waxay Ku Nool Yihiin Sida Bilowga Ahayd

0
370

Wargeyska Everydays News ayaa soo bandhigay  in qabiilo ku nool dalka Taansaaniya ay ka go’an tahay dunidan casriga ah. Qabiiladan oo ku nool hareeraha webiga Iyasi waxay weli u nooshahay habkii qadiimiga ah ee ay dadku u nolaayeen bilwogii nolosha. Qabiiladan ayaan  waxba kala socon caalamkan hadda la joogo.
Waxay nool yihiin iyagoon u baahnayn laydh, Isgaadhsiin, Gaadiid, Dhar iyo raashin ay iibsadaan midna. Nolosha qabiiladan ayaa ku xidhan ugaadhsiga xayawaanaadka. Waxaana yaab leh iyadoo qabiiladani weli aan baran sida beeraha loo fasho. Waxayna isticamaalaan ciyaaraha iyo dhaqanada Afrika ee gaboobay. Dharka, kabaha iyo raashinkooduba waa hilibka, harraga iyo dhogorta xayawaanada ay ugaadhsadaan.

Leave a Reply