Dhar Sariir Ahaan Loo Isticmaali Karo Oo La soo Saaray

0
310

Khubarro u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa soo saartay dhar loo isticmaali karo sariir ahaan oo casri ah,kuwaas oo iyada oo la xidhan yahay haddana loo isticmaali karo sariir ahaan,kuwaas oo loo qaadan karo meel walba oo uu qofku doono.
Dharkan ayaa sidoo kalena ah kuwo kaydsanaaya falaadhaha cadceeda,iyada oo loogu talo galay in lagu seexdo waqtiga qaboobaha,kuwaas oo qayb ahaana ah Buush loogu talo galay raaxo ahaan,waxaanay 56% ay u samaysan yihiin qaabka raaxada ee buushka lagu sameeyey,iyada oo lagu seexan karo muddo kasta oo loo baahdo .
Ninka qandaraaska ku qaatay dharkan oo lagu magcaabo Shin Gurez ayaa sheegay in uu dharkan ka dhigay kuwo raaxo yeelan kara,kuwaas oo la odhan karo waa qolal hurdo oo casri ah,waxaanu sheegay in iminka lasoo saaray dhar cadaan ah,halka uu wado qaybo kale oo madow ah.
Warbixin hor dhac ah oo lagu soo daabacay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in dhowaan lasoo gelin doono suuqyada caalamka dharkaasi,kuwaas oo qiime dhex dhexaada lagu iibin doono.
 

Leave a Reply