Caruurta Da’doodu Ka Yar Tahay 10 Sanno Oo Laga Mamnuucaayo Inay Kubada Ku Hidheeyaan Madaxa

0
314

Xidhiidhadda kubada cagta ee kala duwan ayaa maalintii jimcihii ee ina dhaafay sharci cusub kusoo rogay kubada cagta, gaar ahaana ta caruurta yar yar , iyaga oo mamnuucay inay caruurta yar yari madaxa ku hidheeyaan kubada cagta markay ciyaarayaan.

Agaasimaha ururka Association of Professional Footballers oo lagu magcaabo Gordon Taylor ayaa sheegay in daraasad ay sameeyeen ku ogaadeen in kubadaha ay caruurtu hidhaysaa ay keenaan in caruurtaasi ay ka guurto xusuustu.

Sidoo kalena qoraal ay soo saareen khubarada kubada cagta ee wadanka Scotland ayaa iyaguna sharcigan mid lamid ah raacay, iyaga oo mamnuucay inay caruurta 10 sanno ka yari ay madaxa ku dhuftaan ama hidheeyaan kubada marka lasoo laado.

Sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan waxay khubaradan iyo ururadani sheegeen in ay khatar ku tahay kubadaas la hidhaynayaa waxbarashada caruurta , gaara ahaana dhanka xifdiga oo ay sheegeen inay si fudud u lumen karto.

Waxa iyaguna go’aankaas lamid ah qaatay ururadda kubada cagta ee wadanka Maraykanka ka dhisan oo iyaguna soo jeediyey in la joojiyo in caruurtu madaxa ku dhufato kubada marka loo soo laado.

Leave a Reply