Guddoomiyaha Awdal oo ku Baaqay in Gurmad Lala soo Gaadho Kumanaan Qof oo ku soo Hayaamay Gobolka

0
567

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Awdal, Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa walaac ka muujiyay kana dayriyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay abaaraha  ka jira goballada Maroodijeex, Hawd iyo Daadmadheedh ee  ku sugan gobolka Awdal.

Mustafe Shiine,  waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu  Isniintii   ka jeediyay munaasibad uu goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka dhacday magaalada Boorame, waxaanu sheegay in ka gobal ahaan uu culays weyni ka haysto dadkaasi ka soo barakacay abaaraha ka jira qaybo ka mida gobollada dalka, waxaanu uu soo jeediyay guddida gurmadka abaaraha ee heer qaran in ay la socdaan xaaladda kumanaan qof abaartu keentay gobolka Awdal.

“Waxa jirta in dad badani ay ku  soo hayaameen gobalkan, kuwaas oo ka soo barakacay abaarta ka jirta  dalka, gobolkuna wuu dedaalay intii karaankiisa ah, imikana xaaladoodu way sii adkaanaysaa marba marka ka dambaysa,waxaan  rejaynaynaa in arrintaa  maskaxda lagu hayo. Maadaama oo madaxweyne Ku-xigeenku yahay Guddoomiyihii Gudida gurmadka  abaaraha,  waana in la ogaado in culayskaasi gobalkan haysto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Awdal.

 

Mustafe Shiine waxa uu ku amaanay dadweynaha gobalka Awdal, sidii xil kasnimada ahayd ee ay u gacan qabteen ee  ay usoo dhaweeyeen  dadkaas abaaraha ka soo barakacay, waxaanu yidhi, “Dadka reer Awdalna aad ayay ugu mahadsan yihiin  kaalintii ay ka qaateen dadkaas ku soo barakacay iyo sidii ay u gacan qabteen iyo taakuladii ay u fidiyeen, aad iyo aad ayay ugu mahadsanyihiin sidii ay u soo dhaweeyeen dad kaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply