Qalab Cusub Lagu Ogaan Karo In Qofku Been Sheegaayo Iyo In Kale oo Lasoo Saaray

0
372

Kooxaha socdaalada caalamiga ah ayaa la filayaa inay adeegsadaan qalab cusub oo dhowaan lasoo saaray, kaas oo la sheegay in uu awood u lee yahay inuu sheego In qofku uu been sheegaayo iyo in uu run sheegaayo, waxaana la dhigayaa qalabkan meelaha socdaalada , sida madaarada iyo goobaha tareenadda laga raaco oo kale.

Kooxdan ayaa hadda bilawday tijaabada qalabkan, iyada oo lagu tijaabiyey xuduudka u dhexeeya wadamada Maraykanka iyo Canada, waxaana noqday kooxdii ugu horeysay ee isticmaasha laanta socdaalka ee wadanka Canada ( Canada Border Services Agency).

Kooxdan qalabkan tijaabinaysay ayaa sheegtay inay rajaynayaan in si fudud loogu ogaan karo qalabkan dadka dambiyadda soo galay ama dambiileyaasha ah oo ay ku jiraan kooxaha argagixisada ah.

Qalabkan ayaa ah mid sida Computerka u samaysan , kaas oo qofka indhihiisa akhriyaaya , waxaanu kazoo saarayaa waxa uu sheegaayo dareenkiisa Nafsaaniga ah qofkaasi, iyada oo aan waqti badan ku qaadanayn dadka rakaabka ah.

Qalabkan oo lagu magcaabo AVATAR ayaa ah mid lasoo saaray sannadkii 2012 kii, kaas oo ay soo saartay jaamacadda University of Arizona, waxaana waqtigaasi loo adeegsanaayey shaqooyinka oo keliyaata, iyada oo aan wax horumarin dheeraada lagu samayn.

Kooxdan ayaa sheegay inay ku dareen qalabkan qaybo dheeraada oo cusub, kuwaas oo si fudud u sahlaaya inuu qofkaasi u ogaan karo qofka, waxaanu weydiinayaa su’aalo  qofka uu baadhaayo, isaga oo jawaabtiisa kala soo baxaaya jawaabta, sidoo kalena indhihiisa iyo dareenkiisa nafsiyadeedna ka ogaanaa qaybo badan oo jawaabta ah.

Aaron Elkins oo ah barre wax ka dhiga jaamacadda San Diego University ee wadanka Maraykanka ayaa sheegay in qalabkani yahay mid su’aalo badan weydiinaaya qofka, isaga oo akhrisanaaya  habka is bedel ee qofkaasi uu isu bedelo nafsaani ahaan iyo sidoo kalena waxa uu akhrisanayaa dabeecaddiisa xiliga lagu jiro waraysigaasi.

Barahan oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in uu qalabkani eegaayo ama si fiican ula soconaayo isbedelka ku imanaaya dhanka Indhaha qofka, codkiisa , dhaq dhaqaaqiisa iyo waxyaalo kale oo badan.

Su’aalaha uu qofka weydiinaayo qalabkani waxa kamid ah ma haysataa ama ma sidataa hub, ma sidataa khudaar iyo su’aalo kale oo badan.

Mr Elkins ayaa intaasi ku daray in qalabkani yahay mid hore loo adeegsan jiray dhinaca shaqooyinka, gaar ahaana marka qofka laga qaadaayo waraysiga shaqooyinka, waxaanu sheegay inay iminka ku kordhiyeen qaybo cusub.

Waxaanu kusoo gebo gebeeyey in qalabkani noqon doono mid joojiya ama ka qayb qaata joojinta kooxaha dambiileyaasha ah ee caalamka isaga kala gudba, iyada oo lagu sugaayo amaanka xuduudaha.

 

 

Leave a Reply