Waxyaalaha Dhegaha Lagu Nadiifiyo Oo Laga Soo Saaray Digniin

0
310

Khubaro dhanka caafimaadka dhegaha ah ayaa daraasado ay in dhoweyd wadeen waxay ugu dambayn kazoo saareen natiijo hor dhac ah , iyaga oo daraasadaasi ku baadhaayey caafimaadka dhegaha iyo waxyaalaha waxyeelada soo gaadhsiin kara.

Khubaradan oo uu hogaaminaayey dhakhtar lagu magcaabo Dr Seth Schwartz ayaa natiijada daraasadaasi ay soo saareen ku sheegay in ay khatar tahay adeegsiga qoryaha iyo waxyaalaha adag ee kale ee loo adeegsado nadiifinta dhegaha.

Waxaanay soo jeediyeen in loo adeegsado nadiifinta dhegaha waxyaalo jilicsan oo aan waxba yeeli Karin xuubka dhegta iyo qaybeheeda kale ee jilicsan.

Dr Schwartz oo ka hadlaayey arrintaasi ayaa sheegay in ay khatar tahay in la adeegsado waxyaalaha adage e dhegta waxyeelada soo gaadhsiin kara, gaar ahaana qoryaha iyo waxyaalaha lamidka ah.

Waxaanu sheegay in waxyaalaha adagi ay keeni karaan in dhegto qofka dilaacdo ama waxyeelo kaleba soo gaadho qaybta Durbaanka loo yaqaano oo ah qaybta qaabilsan maqalka ee qofku wax ka maqlo.

Waxaanu intaasi raaciyey in qofkaasi uu khatar u yahay inuu dhego xanuun yeesho iyo inuu sidoo kalena dhegta kaga dhasho Infekshan, waxa kale oo mararka qaar si khaldan loo soo dayn karaa dhecaano dhegta lagu soo daayo oo iyada laftigeeda dib u waxyeeleeya.

Waxaana dhegta lagu soo daayaa waxyaalo dareere ah oo loo yaqaano Balsamlakh, kuwaas oo loogu talo galay ama ay shaqadoodu tahay inay dhegta nadiifiyaan, kana saaraan wixii wasakh ah iyo waxyaalaha dhaska ah ee soo gala dhegta qofka.

Dhakhaatiirtan oo qoraal dheer soo saaray laguna daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa lagu sheegay in ay caadi tahay haddii qofku uu waxyaalahaas adag ku nadiifiyo meelahan dhow dhow ee dhegta, laakiin ay khatar  tahay inuu hore u geliyo dhegta oo meelaha jilicsan gaadhsiiyo.

Waxaanay dadka kula taliyeen inay la xidhiidhaan dhakhaatiirta dhegaha haddii ay dhego xanuun dareemaan ama ay isku arkaan dhanka maqalka oo hooseeya.

 

Leave a Reply