Abaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka oo Maanta si Heer Qaran ah Loogu Aasayo Hargeysa

0
260

Hargeysa(Dawan)- Alle ha u naxariistee, Marxuum sareeye guuto Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas), oo ahaa abaanduulihii hore ee ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay galab ku geeriyooday cusbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa oo uu u jiifay xanuun ku soo booday.Marxuumka, waxaa Sabtida maanta si heer qaran ah loogu aasi doonaa magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum-Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo uu ku sifeeyay inuu ahaa shakhsi hawl-kar ah oo daacadnimo u dheerayd, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu dhambaalkaasi u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abbaanduulihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland, Marxuum Sareeyo guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday 06/01/2017 Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo guud ahaan ciidamada Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. Marxuumka waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey sarkaal hawl-kar ah oo  daacadnimo u dheerayd ciidanimadiisa, door muhiimana ku lahaa guulaha ciidamada qaranku ku talaabsadeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada qaranka, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka,  qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Geesta kalena, Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  tacsi taas la mid ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Cabdilaahi Xaaji Jaamac, waxaannu yidhi,  “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa galabta (shalay) oo taariikhdu ahayd 06/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.

Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo hore u ahaa Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha muddada dheer ku soo jiray ciidammada ee aqoonta badan iyo waayo-aragnimada lahaa, waxaannu door wayn ku lahaa hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii beelaha Somaliland, sidoo kalena, waxa uu ku jiray saraakiishii buddhiga u ahaa dhismihii iyo horumarinta ciidanka Millatariga Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ciidammada iyo shacabkaba uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply