Maxkamadda Yurub oo Go’aamisay inay Hablaha Muslimiinta ah la Dabbaashaan Innamada

0
301

Switzerland ayaa ku guulaysatay dacwad maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka (ECHR), oo fareysa  waalidiinta Muslimka inay u diraan ilmahooda casharo dabaal oo ay ka qayb qaadanayaan wiilal iyohablo.

Waxaa la sheegay masuuliyiinta inay ku qanceen inay muhiimada siiyaan sidii loo fulin lahaa “iskuulka manhajkiisa oo dhan” iyo sidii ay “ilmaha ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka” bulshada.

Maxkamada Yurub ee xuquuqda bini’aadanka ayaa aqoonsatay in xoriyada diinta faragalin lagu sameeyay.

Laakiin xaakimyada ayaa sheegay inaysan u dhigmin xadgudub.

Dacwadda waxaa maxkamadda keenay laba qof oo Turkiga u dhashay oo diiday inay gabdhahooda u diraan casharo wiilal iyo gabdho ay baranayaan.

Masuuliyiinta waxbarashada ,ayaa sheegay in dabaasha gaarka ah ay waydiisan karaan hablaha qaangaadhka ah oo kaliya, iyadoo waqtigaas gabdhaha aysan qaangaadh ahayn.

Sanadkii 2010, kadib muran waqti dheer socday waalidka ayaa lagu ganaaxay ku dhawaad €1,300 (£1,100) ” inay jabiyeen masuuliyadoodii waalidnimo”.

ECHR)

Waalidka ayaa ku dooday in sida loola dhaqmay ay ka soo horjeedo qodobka sagaalaad ee Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Bini’aadanka, taasoo ka hadlaysa xoriyada fikirka iyo diinta.

Hadal ay soo saartay maxkamadda (EHCR) waxay sheegtay in hablaha aan dabaasha laga reebin ‘inay tahay faragalin lagu sameeyay xoriyadooda diinta’.

Laakiin waxay sheegtay in sharciga uu dhigayo “in la ilaaliyo ardayda ajnabiga inaan laga soocin bulshada.”

Maxkamadda ayaa sheegtay Switzerland inay xor u tahay sidii ay samayn lahayd hab waxbarasho oo ” ku salaysan waxa ay u baahan tahay iyo dhaqankeeda.”

Iskuulka, ayay sheegtay inay ciyaareen kaalin wayn in bulshada ay is dhexgasho, in casharada qaar la dhaafo ayaa sabab loo heli karaa oo kaliya markii ay jirto “xaalad gaar ah.”

” Ilmaha waxa dantooda oo ah waxbarasho kaamil ah, oo u ogolaanaysa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka bulshada sida uu dhaqanka yahay, ayaa ka guulaysatay waalidka waxa ay rabaan ee ah inaan habluhu  ka qayb qaadan casharada dabaasha ee wiilasha iyo hablaha  ” ayay sheegtay maxkamadda.

 

Leave a Reply