Maraykanka oo soo Saaray Doon ku Shaqaynaysa Falaadhaha Cadceeda

0
261

Dawlada Maraykanka ayaa soo saartay doon ku shaqaynaysa falaadhaha cad ceeda, taas oo awood u leh inay socdaalo u kala geli karto wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska, waana doon iyadu iskeed isu wadi karta.

Doontan oo aan lahayn wax darawal ah ayaa loogu talo galay inay ka shaqayso dhanka Badda, waxaana laga hagi doonaa doontan yar qalabka Raadaarka iyo sidoo kale Computer lagu xidhi doono qalabkaasi, kaas oo noqon doona mid lagula socdo meel walba oo ay tagto.

Doontan ayaa dhererkeedu noqonayaa ila 32.5 meters , iyada oo sidoo kalena awood u leh inay socoto kana soo noqoto kumanaan mile oo kala duwan, waxaana gacanta ku haya qalabkan dhamaystirkiisa jaamacadda Plymouth ee wadankaasi Maraykanka.

Khubarada gacanta ku haysa doontan oo warbixin qoraala siiyey wargeyska Washington Post oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay inay rajanayaan inay doontan tijaabooyinkeeda ugu badan bilaabaan sannadkan dhexdiisa, sidoo kalena ay si toosa u hawl gasho sannadaha 2019-ka ilaa 2020 ka.

Ciidamada Badda ayaa noqon doona kuwa inta ugu badan adeegsada doontan , waxaana lagu ogaan karaa hababka cimiladu isu bed bedelayso iyo sidoo kalena heererka baddu marayso, waxa kale oo ay caawin kartaa maraakiibta kale oo ay sahayda u geyn karto .

Leave a Reply