Masaajid Kanada ku yaalla oo lagu soo warramayo in afar ruux lagu dilay

0
505

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen.

Facebook-ga xaruntaas yaa la soo dhigay booliis taagan bannaanka goobta ay wax ka dhaceen, waxaana muuqaalkaas lagu soo dul qoray dhimasho ayaa jirta.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xidheen labo qof laakiin wali faahfaahin intaa dheeri ah kay soo bixin dhimashada iyo dhaawaca.

Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex qof oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen askar hubaysan oo ku xeel dheer xeeladaysiga.

 

Rasaasta ayaa ka dhacday masaajidka oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

Booliiska ayaa isku gadaamay masaajidka, baraha ay bulshadu ku xidhiidhona waxaa la soo dhigay muuqaal muujinaya tiro gawaarida gurmadka degdega ah.

Leave a Reply