Xikmadaha Dumarka

0
2747

Amiirka Mu’miniinta Cumar Ibnu Khadaab (rc) ayaa minbarka masaajidka koray wuxuuna go’aamiyey inaan maherka dumarka laga badin Afar boqol oo dirham sababtoo ah ayuu yidhi Nabigu (scw) kamuu badin maherka dumarkii uu guursaday.

Markuu Amiirkii ka dagay minbarkii ayey gabadh saxaabada ka mid ahayd ah oo xikmad badan ay ku tidhi; “ Amiirkii mu’miniintoow ma waxaad go’aamisay inaan maherka laga badin Karin Afar boqol oo Dirham?

Cumarna ayaa ku jawaabay “ Haa” ha sidaasi ayaan idhi. Gabadhii ayaa tidhi “  Sideebay u noqonaysaa sidaa Amiirkii mu’miniintoow, miyaanad maqal Aayada Quraanka ee Allah (sw) ku yidhi : (وآتيتم إحداهن قنطارا) (ood midkood siisaan Qindaar) Oo macnaheedu badan aad meher u siisaan oo aan xadidnayn. Cumar Ibnu Khadab (rc) ayaa markiiba u jawaabay gabadha xikmadda badan oo yidhi :”  Dadka oo dhami way ka fiqihi (Fami) wanaagsan yihiin Cumar ka dibna minbarkii ayuu mar labaad koray isagoo u sheegay dadkii “ In meherka wixi ay doonaan bixiyaan “.

Leave a Reply