Shirkado Waaweyn oo Dacwad ka Gudbiyay Trump

0
280

Shirkadaha ugu waaweyn dhinaca teknooligiyadda Mareykanka sida Apple, Facebook iyo Google ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump. Waxay ku doodayaan in xayiraadaasi ay dhaawac adag gaadhsiisay ganacsiga Mareykanka.

Ku dhawaad 100 shirkadood ayaa saxeexay dacwaddan oo la geeyay maxkamad racfaan oo ku taalla San Francisco.

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in xayiraadahaasi oo hadda la hakiyay ay uga dhigtay mid adag shirkadaha Mareykanka inay dibadda ka helaan shaqaalaha ay u baahan yihiin. Waxa ay sheegeen inay taasi ku dhiiragelisay inay ka fikiraan sidii ay dibedaha uga furan lahaayeen xafiisyo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kala badh shanta boqol ee shirkadood ee ugu caansan Mareykanka ay alkumeen dad muhaajiriin ahaa iyo caruurtooda.

Mar sii horreysay ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saraakiisha xuduudaha u sheegay in ay si taxadar leh u baadhaan dadka galaya dalka, iyadoo uusan wali shaqaynaynin mamnuucitaaankii socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii uu dhib dhaco.

Maalintii sabtida ayay maxkamadda Racfaanka faderalka waxay ku gacan seydhay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Xanibaadan oo saameeyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah.

Taasi oo micnaheedu tahay in amarkii Trump hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimid go’anka ayaa kama dambays loo qabtay malinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u cambaareyay xaakimka James Ropert  oo is hortaagay go’aankiisa, waxa uuna sheegay in uu rumeysan la’yahay in xaakim uu dalka gelin karo xaalad qatar ah waxa uuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.

Leave a Reply