Diyaaraddii Ugu Weynayd Ee Bad Iyo Berriba Fadhiisata Oo Lasoo Saaray

0
280

Shirkad laga lee yahay wadanka Chine ayaa soo saartay diyaaraddii ugu weynayd ee fadhiisan karta berriga iyo badda labada, taas oo in muddo ah la waday dhismaheeda, waxaana diyaaradaasi lagu magcaabaa AG 600, iyada oo la rajaynaayo inay bilawdo dulimaadyadeeda ugu horeeya isla sannadkan aynu ku jirno dhexdiisa.

Shirkaddan ayaa waday dhismaha diyaaradan muddo 8 sanno ah, iyada oo soo maraysay maraaxil kala duwan, waxaanay ugu dambayn soo saartay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737, waxaana qaabaynteeda iyo samayskeeda qayb weyn ka geystay shirkad dhanka hawada ah oo ay dawlda Chine lee dahay, taas oo lagu magcaabo  AFIC.

Saraakiisha shirkadaasi ayaa u sheegay wakaalada wararka Chine ee Xinhua oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay in ay dhameeyeen diyaaradan qaybteeda ugu horeysa bishii July ee sannadkii 2015, iyaga oo ku rakibay mashiinadii ugu horeeyey  bishii November .

Ilaa hadda waxa soo codsaday iibsiga diyaaradan ilaa 17 shirkaddood oo kuwa diyaaraddaha ah, inkasta oo aan wax faah faahin dheeraada laga bixin, waxaanay diyaaradani awood u lee dahay inay duusho ilaa 4500 Km.

Diyaaradan ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa dhinka ciidamada, iyada oo ciidamada ku sugan badda muranka badani ka taagan yahay ee Koonfurta Chine geyn karta waxyaalaha ay u baahan yihiin.

 

Leave a Reply