Boqorka “Waxaan Ka Baraty Qiimaha Qanaacada”

0
1406

Boqorka ayaa doonayay inuu soo kormeero bulshadiisa, waxaana uu la kulmay nin beerlay ah oo aad u faraxsan. Boqorka ayaa ku yidhi “ waxa kaa muuqata farxad badan, beertase ma adigaa iska leh?”  Ninkii ayaa ku jawaabay maya , waan ka sheqeeyaa.

Boqorka ayaa weydiiyay imisaad ka qaadataa, shaqadan badan? Waxaan uu ugu jawabaay 4 Ginni.  Boqorka ayaa ku yidhi “ Ma kugu filan tahay “?   waxaana uu ku jawaabay haa way igu fian tahay.

Waxaana uu yidhi , hal Ginni masaariif ayaan ka dhigtaa, midna dayn ayaan iskaga bixiyaa, mid kale anigaa daymi kuwo kale, mid sadaqad ayaan ula baxaaa.

Boqorkii aya yidhi “ maan fahmine ii faahfaahi”? waxaan uu ku yidhi :” Midka aan masruufto Aniga iyo Xaaskayga ayaa ku nool. Midka aan daynta ku bixiyana waxaan siiyaa, labada waalid ee isoo koriyay, markaan yaraa, Midka  aan daynta kuu sii bixiyana waa ka aan ku bbiiliyo caruurtayda, dharkooda, cuntadooda, waxbara-shadooda, si markay weynaadaan iigu soo celiyaan.
Kan aan sadaqaystana waxaan siiya laba hablood oo walaaalo ah oo buka. Boqorkiina aad buu ugu farxay xikmada odayga beera layda ah, wuxuuna siiyay abaalmarin lacag ah.  Waxaana uu yidhi waxaan ka baratay Odayga beeralayda ah “ Qiimaha qanaacada, jacayka shaqada, iyo nidaaminta hawshaada addun iyo aakhiro”

Leave a Reply