Qiso: Weligaa Su’aal Haka Xanaaqin!

0
444

Iasgoo weli ku jira safarkiisa ayuu soo soo gaadhay tuulo aan aad u weynayan markii uu gabalku dhacay, waxa uu gaadhigiisa dhigtay barxad banaan isagoo goostay inuu iska nasto oo gaadhigiisa iska dhex seexdo caawa.

Waxa uu ahaa Dariiq muhiim,  markii uu seexday ayuu nin ku garaacay muraayadda daaqada, markii uu muraayadda dejiyay waxa uu ku yidhi : ” Fadlan saacaddu waa imisadii” ?.  Ninkii safarka ahaa isagoo yaaban ayaa saacadiisa eegay waxaana uu ku yidhi: “ Waa 9 fiidnimo. Ka dibna huraddii ayuu ku noqday.

Haddana mar labaad ayuu nin kale muraayadii daaqada ku garacaay , markii uu toosay wuxu ku yidhi :” fadlan ii sheeg saacadu intay wakhtigan tahay “. Waxaan uu ugu jawaabay waa 9:30 daqiiqo. Isagoo la yaaban dadka aan saacadba haysan ee ay ku keliftay in qof gaadhi dhex hurda ay weydiiyaan wakhtiga ayuu gaadhigiii ka soo degay waxaana uu ku qoray far aad u waaweyn gaadhiga dhinacyadiisa :” Anigu Saacadda ma garanayo!:” , isagoo doonayay in aan qof danbe toosin oo aanu weydiin.waana uu iska seexday.

Laakiin haddana nink kale ayaa ku garaaay daaqadii markii uu furay ayuu ku yidhi :” Waan ka xumahay mudane, aniga ayaa kuu sheegaya saacadda waa 9:50 ”, waxaan akhriyay inaad u baahan tahay in saacadda laguu sheego. Haddaba dadku si isku mid ah waxba uma wada fahmaan, waxaan wanaagsan inaad hubiso sababta su’aal keliya dad badani kuu weydiinayaan. Si aad u hesho jawaab muhiim, haddii kale way iska soconaysaa su’aasha lagu weydiinaya.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply