Dayaaraddii la Waayay Saddex Sano ka Hor oo War Cusub oo laga soo Saaray

0
361

Baadhayaal u dhashay dalka Australiya oo ku hawlanaa sidii loo heli lahaa raq iyo ruuxba diyaaradii MH370 ee Malesiya laga lahaa ee la waayay sanadkii 2014-kii ayaa war ka soo saaray baadhitaankooda.

Duulimaadkan oo u kala gooshayay magaalooyinka Beijin ee shiinaha iyo Kuala Lumbur ee Malesiya, islamarkaasna ay saarnaayeen 239 rakaab ah ayaa la waayay meel ay ka baxday.

Baadigoobkan oo ay sidoo kale ku hawlanaayeen dalalka Shiinaha iyo Malaysiya ayaa waxaa si rasmi ah loo soo afjaray bishii janaweri ee sanadkan kadib markii lagu hawlanaa 1,046 maalmood.

Kooxda reer Australiya ayaa sheegay in ay tahay wax maskaxdooda ka weyn, islamarkaasina uusan bini’aadamka qiyaasan karin in diyaarada la waayay wax xitaa raadkeeda ah.

“Waa wax uusan maanka qiyaasan karin , islamarkaasna aanan la aqbali karin in taariikhda casriga ah ee duulimaadyada oo maalin kasta ay hawada isticmaalaan 10 milyan oo qof, in la waayo diyaarad sidaas u weyn, qofna uusan sheegi karin halka ay ku dhacday” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lasoo saaray.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in inkasta oo loo galay dadaal aan xad lahayn baadigoobka diyaaradan, in haddana la waayay meel lagu sheego.

Balse warbixinta ayaa lagu sheegay in markii dad ugu war dambaysay diyaaradda lagu xaqiijiyay meel 25,000 km u jirta dhanka waqooyi badweynta Hindiya, gaar ahaan halkii laga baadi goobay.

Diyaarada ayaa xitaa laga baadi goobay gunta hoose ee badda, waana baadhitaankii ugu weynaa oo la sameeyay inta la xusuusanyahay taariikhda duulimaadyada adduunka.

Janbiyo loo maleeyo in ay kasoo fuqeen diyaaradda ayaa kusoo caariyay meelo ka mid ah jasiirado ku yaala badweynta Hindiya iyo xeebaha bariga Afrika.

Meeshan ay baadhayaasha ku tilmaameen diyaaradda in ay ku dambaysay ayaa waxaa lagu saleeyay qiyaas laga qaatay dhinaca ay walxaha u daad-raacaan iyo waliba xog laga heley dayac-gacmeedyada.

Dowladda Australiya waxa ay sheegtay in ay baadhitaanka dib u bilaabayso oo kaliya haddii la helo caddeymo rasmi ah.

Dowladda Maleysiya ayaa iyada wadda baadhitaan la xidhiidha sababta keentay in diyaaradda la waayo.

Arrinta ayaa waxa ay noqotay mucjisadii ugu weyneyd adduunka, waxaana illaa hadda lala yaabanyahay halka ay ku danbeysay  diyaaradda iyo rakaabkeedii.

 

Leave a Reply