Wasiirka Maaliyadda oo Khudbad ka Jeedisay Xuska Maalinta Shuhadada SNM oo Laga Xusay Hargeysa

0
387

Hargeysa (Dawan) – Maalinta shuhadada SNM ee 17-ka October ayaa  shalay si  wayn looga xusay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taas oo xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa waxay ka qabsoontay hoolka hay’adda shaqaalaha, isla markaana ay kasoo qaybgaleen mujaahidiinta aad u tiro badan, kuwaas oo muujiyey mihiimada ay leedahay maalinta loo asteeyey shuhadada SNM.

Munaasibadan oo aanay shalay kasoo xaadirin masuuliyiinta axsaabta qaranka ayaa waxa xaga xukuumadda kasoo qaybgashay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo halkaasi ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, iyadoo madaxda SOOYAAL halkaasi ku gudoonsiisay qadar lacag ah oo loogu talo-galay in loo qaybiyo mujaahidiintii kasoo qaybgashay xuska 17-ka October.

Wasiir Samsam ayaa waxay ku dheeraatay mihiimada ay maalintaasi u leedahay, waxaanay halkaasi uga ducaysay mujaahidiintii ku shihiiday halkaasi iyo kuwa nool. Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Mujaahidad Yurub Abiib oo ka mid ah haweenkii sida wayn uga soo qaybqaatay halgankii dalka dib loogu xoreeyey, waxaaanay halkaasi uga mahadnaqday Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay inay hiil iyo hooba la barbar taagan tahay mujaahiinta SNM. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigaanka Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL mujaahid Maxamuud Cabdi Xasan (Quule), kaas oo tafaasiil ka bixiyey duruufaha mujaahidiinta iyo xuska maalinta Shuhadada, waxaanu yidhi “Inkasta oo aanay inoo imanin madaxdii saddexda xisbi qaran, hadana waxaynu qabsanay munaasibadii ugu quruxda badnayd ee xuska maalinta shuhadada SNM, 17-ka October waa maalin ay gaar u leeyihiin Mujaahidiintu. Wakhtiyadii hore marka xuskan la qabanayo waxa aanu samayn jirnay garamaan iyo calamaan iyo waxyaabo la mid ah, maanta waxbaanu ka badalnay arrimihii oo nimankii mujaahidiinta ahaa awal garamada la siin jiray aanu siino woxogaa yar oo aanu kaga farxino nimankaa mujaahidiinta ah ee naafada ah. waxaanu arrintaasi uga mahadnaqaynaa marwo Samsam Cabdi Aadan wasiirka maaliyadda Somaliland oo runtii marwalba hiil iyo hooba nala barbar taagan, waanu u ducaynaynaa marwo Samsam Ilaahay ha ka Jazaa’i siiyo”.

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay  Mujaahid Yurub Abiib, taas oo ka warbixisay xuska maalinta shuhadada iyo waxyaabaha ku cusbaa munaasibadii shalay, waxaanay tidhi  “Xuska maalinta Shuhadada SNM ee 17 October  run ahaantii waxay i galisaa xasuus dheer iyo qiiro gaar ah, Ilaahay ha idinka jazaa’i siiyo juhdigii iyo halgankii dheeraa ee aad u soo gasheen dib u xoraynta dalka, intii dhimatay Alle ha u naxariisto intiina noolna nolol fiican baan idiin rajaynayaa, kolay ciil iyo cidhiidhi ma qabno kol hadaanu guumaysi ina haysanin oo aynu maanta xor nahay oo aynu calankeenii Tawxiidku ku qornaa aynu gacanta ku wada haysano guul baynu gaadhnay, mid kalena waxaan jeclahay inaan xuso oo barigii hore xusaskeena ciyaal iskuul baa la keeni jiray balse maanta arintu sidii way ka duwan tahay oo maanta in ka badan 200 mujaahid oo halgankaas kasoo qaybqaatay ayaa halkan iskugu timid, inkastoo sidii la doonayey aan looga soo qaybgalin munaasibadan  hadana inagu taariikhdan inagaa leh oo marwalba waynu xusi doonaa oo ka daali mayno oo hadii aynu labaatan noqono waynu sii yaryaraanaynaaye waynu xusaynaa oo maalintan inagaa leh ee aynu caruurteena barno taariikhda SNM si ay u fahmaan wixii dalkan loo soo maray, isla markaana nin walowba afar caruurtaada ka mid ah ama shan ka mid ah soo kaxayso, markaa waxaan ku dardaarmayaa aynu xuskeena sii kordhino bacdamaa aynu inagu leenahay maalintan 17-ka October”.

Marwo Yurub Abiib iyadoo hadalkeeda sii wadata, waxay intaasi raacisay “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Samsam Cabdi Aadan oo aanay taariikhda Somaliland ilaawi doonin oo ah gabadh baal-dahab ah kaga suntan iyadoo ay wasiiradda kale ku dhici waayeen inay kasoo qaybgalaan xuska maalinta shuhadada SNM ee 17 October, sidaad ogtihiin SNM-ta waa la wada sheegtaa oo qof aan waligii maalin halgankaa waxba ku darsanin ayaa marka mujaahidnimo lasoo hadalqaado ku odhanaya mujaahid baan ahay, waxaan leeyahay ninkii mujaahid ah halkan baa laga arki lahaa oo  uu joogi lahaa hadii uu mujaahid yahay. Samsam Cabdi Aadan waa mujaahidad ku suntan taariikhda SNM, anaguna haddii ay mar Samsam Cabdi Aadan joogto xuska 17-ka October anagu Wasiiradda waxba ugama baahnin, ka dumar ahaana 150-ka wasiir ee golaha wasiiradda Somaliland ku jira Samsam baa nooga qaalisan oo xuskayaga ayey kasoo qaybgashaa oo way iskaayo barbar taagtaa marwalba, waxaan u sheegayaa mujaahidiinta inay Samsam Cabdi Aadan tahay gacantooda midig, xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo-na haddii aynu Samsam ka hayno cid aynu uga baahanahay ma jirto, ugu danbayn waxaan leeyahay Samsam taariikhda ayaa ku xusi doonta oo inan waxtar leh oo reer Hargeysa iyo reer Somaliland-ba waxtartay baad tahay Ilaahay ha kaa jazaa’i siiyo oo waanu kuu ducaynaynaa sidaad SNM-ta u saacido marlwalbana waanu kuu saacidi doonaa Insha Allaah, Madaxwayne Siilaanyo waxaanu leenahay waanu kaaga mahadnaqaynaa maadaama oo aad golahaaga wasiiradda Samsam noogu dartay qoladayada mujaahidiinta ah ”.

Ugu danbayn waxa munaasibadaasi soo xidhay oo halkaasi ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaana ka mid ahaa hadalkeedii “Ilaahay baa mahadaa iska leh in joojiyey inagoo dalkeenii xor yahay oo aan afarta la ina xaraynin oo wixii halkan ka dhici jiray aanay maanta ka dhacaynin oo wakhtiga aad doonto aad magaaladda mari karto oo waxa aad doonto aad dhisan karto Ilaahay mahadi ha ka gaadho, waxaynu u ducaynaynaa dadkii inoo soo halgamay ee inoo soo dagaalamay intii dhimatay Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo inta noolna Ilaahay nolol wanaagsan oo cisi iyo sharaf leh ha siiyo”.

Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata, waxay intaasi raacisay “Horta aniga Madaxwaynaha ayaa isoo diray oo Madaxwaynuhu maalinkasta oo munaasibad SNM ahi jirto wuu la socdaa, maanta waxa uu igu yidhi xoolo ha loo qalo oo maanta casuumad wayn ha loo sameeyo mujaahidiinta inta xasuusatay ee kasoo qaybgashay ee xasuusatay xuska maalinta shuhadada SNM, markaanu la tashanay mujaahidiinta waxay yidhaahdeen u qali mayno ee lacag ahaan ha lagu siiyo woxooga yar oo albaabada ayeynu xidhanaynaa inteena halkaa fadhida waxay inoo gaadho ayeynu u qaybsanaynaa”.

Wasiirka Maaliyadu mar ay ka hadlaysay suugaantii la tiriyey xiligii halgankii ay halgankaasi kaga qaybqaateen Abwaan Hadraawi iyo saaxiibkii Abwaan Gaariye (AHN) waxay tidhi “Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo oo caafimaad ha siiyee waxaan xasuustaa oo uu yidhi mar la odhan jiray dadka waa la madhinayaa oo waa la gumaadayaa ayaa gabaygiisii waxa ku jiray ‘Damal waarayaan ahay digdig beena kuma ruqo, cirka danab kasoo dhacay dalaw igama raarido, dibin-daabyo mooyee digo xaadhku ima tiro’ waynagaa joogna. Ilaahay ha u naxariistee Gaariye-na waxa uu yidhi ‘hadaan dhabban ahaa dheecaan macaanloo dhadhankiisa loo bogay maantaba dhuldiid lumay markay dhabi dhabkale timid dacar maw dhadhamayaa, ma dhacsade nin ii qabay ma dhuldhace ma qabay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply