Qiso: Garsoorka Ayaa Mustaqbalkiisa Baabiiyay!

0
375

Sannadkii 1970 ayaa huteelka Tucson oo  ku yaalla gobolka Arizona ee Maraykanka dab qabsaday, waxaana ku dhintay 29 qof. Nin madow ah oo lagu magacaabo Luwies Tylor oo da’adiisu ahayd 16 sano jir, ayaa  arkay dabka dabaqa sare ka kacay oo u soo gurmaday si uu dabka u bakhtiiyo.

Laakiin Booliisku markii ay yimaadeen ninkaasi way xidheen iyagoo ku  eedeeayay inuu ahaa ninka Huteelka gubay isla markaana ka danbeeyay shilka.

Muddo yar ka dibna Maxkamadda ayaa ku xukuntay xabsi daa’in oo ah inuu jeelka jiifo ilaa inta uu ka dhimanayo, ka dib markii xeer ilaalinta kiiska baadhaysay ay qoraalkeeda ku cadaysay in ninkaasi madow ee Taylor  uu yahay dhib geystaha dhabta ah.

Waxase yaab ah in  47 sano ka dib la ogaaday in aanu Tylor  gubin huteelkaasi sidaa darteedna waxa laga sii daayay jeelka.

Markii loo sheegay arinka sii dayntiisa isagoo nin gaboobay ah hal saac ayuu maxkamadda horteeda ka ooyay. Waxaanu ka murugoonayay sida mustaqbalkiisa looga baabiiyay. Taylor wuxu sheegay in xeer ilaalinta iyo denbi baadhayaashu cadaanka ahaa ay si u kas ah denbiga u ugu qaaden.

Leave a Reply