Abaaraha soo Noqnoqonaya iyo Baahida loo Qabo Kalluumaysi Joogto ah

0
316

Abaarta soo noqnoqanaysa waxay dalbanaysaa horumarinta kalluumeysiga Somaliland. Jamhuuriyadda Somaliland waxay la kulantaa caqabado badan, laakiin waxa kale oo ay leedahay kheyraad ballaadhan oo aan daboolka laga qaadin haba yaraate biyaha ku xeeran Somaliland.

Sannadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay la kulantay ciriiri xaga roobka ah oo ay sababtay isbedelka cimilada aduunka. Tani waxay keentay abaaro ba’an iyo khasaaro weyn oo ku yimid xoolaha – kuwaas oo ah laf dhabarka dhaqaalaha iyo hab-nololeedka gobolka. Natiijada ay abaartaasi keentayna waa cunto yari, macaluul iyo sidoo kale khasaare dhaqaale qoys iyo qaranba. Illa cunteedyo kala duwan iyo xaqiijinta horumar dhaqaale iyada oo la adeegsanayo khayraadka aan laga faa’iidaysan ayaa ah qarshe muhiim ah lagaga samato bixi karo xaaladan. Sidaa daraadeed, isticmaalka khayraadka kalluunka ee ku duugan biyaha ku hareeraysan Somaliland waxay fure aad u muhiim u tahay la dagaalanka dhibaatooyinka hadda lagu jiro iyo abuurista mustaqbal wanaagsan oo ay Somaliland yeelato. Hay’ada FairFishing waxay ka qayqaadataa koboca Kalluumaysiga Mid ka mid ah dadaalada lagu abuurayo dakhliga iyo fursadaha shaqo ee loo marayo isticmaalka khayraadka badda ayaa waxaa bilawday hay’adda aan dawliga iyo faa’idoonka midna ahayn ee FairFishing. Guddiga hay’adani wuxuu ka kooban yahay mutadawaciin Danish iyo Somaali ah oo ka shaqeeya dalka Denmark. Dhammaan shaqooyinka ay guddiga fulintu sameeyeen waa ikhtiyaari aanay waxba ku qaadan, abaalmarintooduna waxa weeye dareenka guusha ee ku salaysan in ay caawimo muuqata oo noloshooda wax ka badalaysa gaadhsiinayaan bulshada kalluumeysiga ee Somaliland. Fikrada FairFishing oo bilowday sannadkii 2011 midhihii u horeeyey dhalay sannadkii 2013 markii Xarunta Ganacsiga Fairfishing laga furay Magaalo Berbera. Tan iyo markii la furay xarunta iyo dukaanka yar ee iibiya qalabka kalluumeysiga FairFishing waxay kalluumeysiga maxalliga ka kaabayeen iibsiga baraf tayo sare leh oo jaban, kaydinta (qaboojinta)kalluunka oo aan hore loo hayn, farsamaynta kalluunka oo casri ah iyo iibsiga qalabka kalluumeysiga oo casri ah, iyada kalluumaysataduna ay iskaashi dhaw la leeyihiin FairFishing. Sidas awgeed, FairFishing waxay gacan ka geysaneysaa kobcinta kalluumeysiga iyada oo ka taageeraysa kalluumeysatada iyo dawlada Somalilandba kaabayaasha dhaqaalaha iyo iyadoo yareeynaysa kharashaadka wax soo saarkoodaa iyo xumaadka kalluunka marka la soo qabto ila inta la suuqgaynaayo. Si kale haddii loo dhigo,iskaashigu wuxu kordhin karaa tayada iyo tirada kalluunka la dabto taas oo una faa’iido badan dhamman cidkasta oo ku hawlan Kalluumaysiga. Afartii sano ee la soo dhaafey waxay soo kordhiyeen horumarin cajiib ah oo xaga kalluumeysiga. Dabashadu aad bay u sarreysa, dad aad u badanina si toos ah ayey uga shaqo galeen kalluumeysiga iyo qaybaha la xiriira. Doonyo cusub, shaqooyin cusub iyo 900ton oo kalluun ah sannadka 2017 Sanadkii 2017, wadar dhan 900tan oo kalluun ah ayaa laga diiwaangeliyey Xarunta FairFishing ee Berbera. 900tan ee kalluunka ah waxa lagu iibsaday laguna quutay suuqyada maxaliga ah ee dalka sida Hargeisa, Berbera, Burco, Borama iwm. Kalluunkaasi Suuqyada maxaliga ah ee dalka waxa uu ka abuuray dhaqdhaqaaq dhaqaale oo gaadhaya ilaa 4.000.000 USD kaas oo ah faa’iido gaadhay dhammaan cidkasta oo ka shaqaynaysa ama ku hawlan silsiladda qiimaha kalluunka. Hadaad Berbera eegto korodhka doonyaha cusubi waxay gaadhayaan inadii 2017 qiyaastii ilaa 20 doonyood iyo weliba qiyaastii. 80 kaluumeyste cusub oo firfircoon. Mararka qaar waxaa la sheegaa in hal shaqo oo badda laga abuuraa uu keenayo ila afar shaqooyin oo beriga ah. Haddii aan halbeegaa ku qiyaasno magaalada Berbera, markaa 400 oo shaqooyin ah baa laga abuuray silsiladda qiimaha kalluunka sanadkii 2017. Ballaarinta fikradda FairFishing iyada oo loo marayo deeqda EU Sannadihii ugu horreeyay FairFishing waxay ku tiirsanayeen kaliya deeq-qalabeed, deeq-lacageedka gaarka ah iyo inta badan shaqada mutadawacnimo. Laakiin waaxda kalluumeysiga ayaa billaabay inuu kordho maalinba maalinta ka dambaysa. Sanadkii 2016, Midowga Yurub wuxuu aqoonsaday fikradda FairFishing, wuxuuna go’aansaday inuu maalgaliyo mashruuca oo uu barnaamij ka dhigo kuna fidiyo dhowr goobood oo ku yaalla Geeska Afrika. Sidaa awgeed, xoghayn yar ayaa maamusha hawlaha guud ee Kobanheegan, iyadoo dhawr ka mid ah shaqaalaha maxaliga ah ee Berbera ay maamulaan hawl maalmeedka iyo hirgelinta mashruuca. Xarunta FairFishing ee Berbera waa Xarunta ugu saraysa ee Barnaamijka Midowga Yurub, iyo beelaha kale ee ku yaala Somaliland waxay hadda ka faa’iideysanayaan khibradaha ay sameeyeen bulshada kalluumeysiga ee Berbera. Iyadoo la raacayo ujeedada guud ee FairFishing, ujeeddada barnaamijka ay maalgelinayso EU-du waa in la siiyo fursado cunto nafaqo leh, ganacsi, dakhliga iyo fursado shaqo dadka degaanka ee maxalliga ah, iyo sidoo kale in la abuuro horumar dhaqaale iyada oo loo marayo dhaqaalaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply