Masuul ka Tirsan Xukuumada oo Sheegay in Adeegsiga Qabyaaladu Hoos u Dhacday

0
278

Burco (Dawan)- Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan oo ah la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada ayaa cabbiray heerka qabyaaleed iyo hoos u dhaca ku yimi adeegsigeeda, waxaanu tilmaamay tan iyo intii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu hoos u dhac weyni ku yimi qabyaaladda.

Mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “aad baan idiinka mahad naqayaa sida aad uga soo qayb gasheen munaasibaddan loogu magac daray qabyaalad diidka, oo ay agaasinkeeda lahaayeen haldoorka qabyaallad diidka Somaliland iyo dhalinta kale ee halkan caawa fadhida. Runtii anigu habeenkii lagu asaasay ururkan xarunta dhaqanka ee Hargeysa goob joog ayaan ahaa, oo waanka qayb galay oo taageere ayaan u ahaa oo waxaan idhi anigu dawladda ayaan ku jiraa oo urur ma gali karo, laakiin had iyo jeer meesha qabyaallada lagu diidayo ee lagaga hadlayo xumaanteeda inaan goob joog ka noqdo diyaar baan u ahay taasina waa ta caawa halkan I keentay”.

“Runtii mawduuca qabyaallada inta diintu innaga tidhi ayaa inagaga filan. inay wax xun oo qadhmuun tahayna rasuulkeennaa sheegay CSW. Qabyaaladu waa xaqiraad iyo dulmi iyo xumaan iyo in dadku ay is dilaan, marna waa faan iyo faataa bakh reeruhu ay isugu faanaan oo ay isugu goodiyaan, wax allaala wixii dhibaato iyo qoqob ahaa ee inna soo maray wax faaiido ah oo aynu ka haynaa ma jirto,” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan oo hadal ka jeedinayay caways lagu qabtay magaallada Burco oo hal ku dhegiisu ahaa kulanka 4aad ee qabyaalad-diidka Somaliland.

Mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in muddadii uu madaxweynaha cusubi ee Somaliland mudane MuuseBiixi Cabdi talada hayay oo ku siman boqol iyo dhawr maalmood ay hoos u dhacday adeegsigii qabyaalladu waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi intii uu talada hayay markuu xilka qabtay qabyaalladii hoos bay u dhacday markaynu runta ka hadalno, qabyaalladii waxay hoos ugu dhacday shirarkii Beellaha ayaa yaraaday, reer Burco ahaanna halkaas waxaynu doonaynaa inaynu ka sii wadno barnaamijka lagu yaraynayo qabyaallada si uu midho dhal u noqdaana xukuumad ahaan waanu idin garab taagannahay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply