Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo la Kulmay Wasiirka Maaliyadda

0
282

Hargaysa (Dawan)- Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, kulankaasi oo ay wax kaga waydiiyeen misaaniyad sanadeedka 2018-ka ee hortaala golaha wakiilada.

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanwaeyne) iyo wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada oo kulan kaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in ay ka wada hadleen misaaniayada sanadka 2018-ka ee hortaala golaha wakiilada.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada Cumar Axmed Sanwayne ayaa waxa uu tilmaamay in marxalado badan ay soo martay misaaniyada sanadka 2018, waxaana uu tilmaamay in wasiirka maaliyada ay ka wada hadleen sida ay u kala baxayso isticmaalka misaaniyada, waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu la kulanay wasiirka wasaarada maaliyada, u jeedada kulankayagu waxa uu ahaa in aanu wax ka waydiino misaaniyada sanadka 2018 ee hor taala golaha wakiilada oo marxalado badan soo martay, taasi oo muddo sadex bilood ah laga soo shaqaynayay sida ay u kala baxayso, waana aanu ka qayb galanay guddi ahaan samayntii misaaniyada, waxaana aanu wax ka waydiinay misaaniyada, waxaanu uga mahadcelinaynaa wasaarada maaliyada sida fiican ee ay noola shaqeeyaan”.

Wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa isaguna dhiniciisa ka hadlay kulankan, waxaanu sheegay in guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada ay ka wada hadleen misaaniyada sanadka 2018 ee golaha wakiilada hortaala, waxaanu yidhi “Waa arrin dastuuriya in aanu kulan la yeelano guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada, anaguna waajib qaran ayaan fulinaynaa. misaaniyadani waa tii 26 tanaad, nidaam iyo jaranjaro ayay soo martay golaha wasiirada ayaa soo ansixiyay, waxaana aanu ka wadahadalnay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada misaanayada, qayb ayaanay ka ahaayeen gudidda dhaqaalaha samaynta misaaniyada 2018 ka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply