Gulf News oo Iftiimisay Kala Duwanaanta Dawladnimo iyo Farqiga u Dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

0
275

DUBIA (Dawan)- Warbaahinta caanka ah ee Gulf News, ayaa Iftiimisay Kala Duwanaanshaha Dawladnimo iyo Farqiga u Dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Muqdisho, sidoo kale waxay sharraxday adeegyada horumarineed ee shirkadda DP-WORLD ka hirgalisay Somaliland mudadii koobnayd ee ay dalka ku sugnayn.

Gulf News, waxa ay is barbardhig iyo falaqayn ku samasay kala duwannaanta dawladimo iyo farqiqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo ah laba dal oo deris ah laakiin ku kala duwan marxaladaha ay ku kala sugan yihiin.

Warbaahinta Gulf News oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa warbixinta ay ka qortay Somaliland iyo adeegyada horumarineed ee DP-WORLD ka hir gelisay ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay nidaam dawladnimo oo dhammaystiran, isla markaana u gaar ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Garsoorka, Ciidammada ammaanka, Baasaboor iyo lacag u gaar ah.

Sidoo kale Gulf News, waxay intaas ku dartay inay Somaliland qabsatay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo u dhacay hannanan dimuqraadiyadeed oo heer qaalami ah.

Warbixintaasi waxay tafaasiil ka bixisay heshiiska horumarinta marsadda Berbera ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DP World.

Madaxa Hawlgelinta shirkadda DP World u qaabilsan dekedda Berbera Cali Ismaaciil Maxamuud, ayaa sheegay muddadii shirkadaasi la wareegtay maamulka dekedda in wax badani iska beddeleen adeegii iyo qalabayntii dekedda. Waxaanu tilmaamay in ay hawl-wadeennada marsadda Berbera ku tabobarayaan barnaamijyo ay ku shaqeeyaan dekedaha caalamka ee ay maamusho DP World.

Sarkaalkaas u hadlay shirkadda DP World waxa uu xusay in kaabeyaasha dhaqaale ee Somaliland wax badani iska beddeli doonaan oo shirkado badani ganacsi u iman doonaan.

Shirkadda DP World ayaa Shaacisay in ay Jaamacadda culuumta Badda ee Berbera ay bil walba ku taageerto 4800 oo doolar, halka 12-kii bilood ee la soo dhaafayna ay lacag dhan 770, 181 (Todoba boqol iyo toddobaatan kun boqol iyo kow iyo siddeetan) doolar ku bixisay xarumo waxbarasho, adeegyo caafimaad iyo ceel biyoodyo ay u qodday shacabka reer Somaliland.

Dhinaca kale waxa war-bixnta Gulf News lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay in aanay Soomaaliya farogelin Karin Heshiiska ballaadhinta dekedda Berbera, waxaanu caddeeyey in heshiiskaasi uu dan u yahay gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Tan iyo markii xukuumadda Somaliland ay saxeexday heshiiska sadex geesoodka ah waxaa maalinkasta wabraahinta caalamiga ah ku soo baxa warar iyo qormooyin lagu faaqidayo hannaanka dawladnimo ee Somaliland iyo sida ay u tahay dawlad dimuquraadi ah oo ka dhex dhisan gobol ay adagtahay in doorashooyinka dimuquraadiga ah ee Somaliland ka hana qaaday oo kale ay ka qabsoomaan..

Waxa kale oo ay warbaahinta caalamiga ahi ay is bar bar dhig ku samaysay Somaliland oo madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991, marxaladihii kala dambeeyay ee ay u soo martay geeddi socodka dimuquraadiyadda iyadoo aan beesha caalamka wax taageero ah aan ka helin iyo sida dunidu wakhti iyo dhaqaale iyo nafba u gelisay Soomaaliya ee aan hadana wali nabad habeenna aan loogu seexan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply