Xukuumada oo soo Bandhigtay Qorshe lagu Qabanayo Biyaha Roobka

0
288

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay qorshaha ka xukuumad ahaan uga yaala sidii loo qabsan lahaa biyaha maalin walba sida aan habooneyn inoo dhaafaya, waxaanu sheegay inay hada wadaan dhaamam casriya oo ka duwan kuwii hore ee dadka iyo xooluhuba gali jireen.

Wasiir Saleebaan sidoo kale waxa uu bulshaweynta reer Somaliland ugu baaqay in marka ay bineynayaan guryaha iyo huteelada ay ku darsadaan qorshaha inay sameystaan barkado dhulka hoostiisa ah oo ay ku keydsadaan biyaha wakhtiga roobka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Anagu ka xukuumad ahaan qorshe weyn ayaanu ka leenahay inaanu qabano biyaha ina dhaafaya, dhaamam waa weyn oo tijaabo ah ayaanu ku talo galnay oo aanu dadka ku tusayno inaanu dhaamam qabsan kareyno, oo 3 ilaa 5 ah, imikana waxa aanu wadnaa dhismihiisa midkii ugu horeeyay, hay’addo badan oo gacan weyn naga siinaya dhismayaasha dhaamamka casriga ahina waa ay jiraan, mana ahaa kii dadka iyo xooluhuba ay ku daadan jireen ee waa dhaam caafimaad ahaan saxan oo biyihiisu ay nadiif yihiin oo aan loo dhawaan”

“Waxaynu og nahay in xili roobaadkii bilaabmay magaaladana Hargeysana biyihii habeen hore ka baxay ee mijaroorka iyo meelaha biyaha laga heli karo, ka qulqulayay ee sida aan habooneyn ugu dhacayay meelo aan habooneyn, waxaa dad badan oo aqoon biyaha u lihi sheegeen inay mudo laba sano ah Hargeysa ku filaan lahaayeen”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) mar uu u waramayay Tv-ga HCTV.

Dhanka kale waxaa uu bulsha weynta reer Somaliland ka codsaday wasiir Saleebaan in marka ay guri ama huteel ay bineynayaan inay qorshaha ku darsadaan baraago dhulka hoostiisa ah si ay baahida dhanka biyaha uga baxaan waxaanu yidhi “Hadaba aqoonta iyo waaya aragnimada biyahu waxaa ay ina farayaan inaynu qabsano biyaha qulqulaya dhulka korkiisa hadii biyaha aynu qabsano culeys biyo yaraan magaalada Hargeysa ka jirtaa may jirteen, markaa dadka waxaan leeyahay guriga waad dhistaan huteela qurux badan waad dhistaan, qorshaha ugu dara inaad barkada dhulka hoostiisa aad u sameysaan Huteelkiina iyo gurigiina si biyahaa idiin dhaafaya aad ugu qabsataan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply