Guddomiyaha Buuhoodle oo ka Warbixiyay Roobab Ka Da’ay Deegaanka

0
293

Buuhoodle (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse ayaa sheegay in roobabkii gugu ay ka curteen maalintii shalay gobolka Buuhoodle iyo degmooyinka hoos yimaada qaarkood.

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse, waxa uu sheegay in gelinkii dambe ee khamiistii todobaadkan ay roorabku ka curteen deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle, kuwaasi oo ay ku qabowsadeen bulshada deegaanku.

“Gelinkii danbe ee khamiista ayaa roobabku ka curteen deegaanka gobolkaas, degmooyinkiisa qaar ka mid ah iyo nawaaxigiisa, kaas oo lagu qabowsaday, illaa hadda ma badna dhulka roobsaday, iyada oo roobka helay aanu badnayn iyo biyaha uu geliyey ba, hase ahaatee uu ahaa mid lagu diirsaday, meelaha uu ugu badan yahay roobkaasu ayaa ah degmada Widhwidh, magaalada Horufadhi iyo nawaaxiga Buuhoodle” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle.

Mustafe Xaaji Cabdi Muuse, waxa uu intaasi ku daray ”Sidoo kale cirka ayaa cusub oo daruuraha raxmaadka ALLE sansaanka u ah ayaa dul hoganaya, sida ILLAAHAY looga bartayna rajo wanaagsan ayay shacabka deegaanka ee gobolkaasi ka qabaan inuu alle awoodiisa u gaarka ah uu si dhakhso ah ugu shubo raxmaadkiisa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply