Wasiir Beeniyay in Hay’addaha QM aanay Somaliland Ku Joogin Magaca Soomaaliya

0
288

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorshaynta iyo hormarinta qaranka Eng: Xuseen Ibraahim Buuni,ayaa beeniyay in hay’adaha ka hawl gala dalka Somaliland magac kale kaga shaqeeyaan Somaliland iyo in ay ku joogaan dalka ruqsad aan ahayn ta ay ka haystaan Xukuumadda Somaliland.

Waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ka soo yeedhay siyaasiyiin reer Somaliland ah oo sheegay in Hay’adaha dalka ka hawl gala ku joogaan Somaliland magaca dalka Soomaaliya.

ayaa, Warar been abuur ah ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo hore u sheegay in ha’addaha qaramada midoobay ee Somaliland ka hawlgalaa ay ku joogan magaca dalka aan iskii isku maamulin ee Soomaaliya .

Wasiir Buuni,ayaa intaa ku daray in dhammaan Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa madaxa bannaan ee dalka ku suganiba in ay Somaliland dawlad ahaan ula shaqeeyaan dalkanaay ku joogaan ruqsada Xukuumadda ookeliya mid meel kale ruqsad ka haysata oo dalka ka hawl gashaana aanay jirin.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay SAAB TV.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi. “ Waxa aynu nahay dal madax bannaan oo dawladnimadiisa , dadnimadiisa iyo calankiisa haystay muddo 27.sano ah, markaa dal baynu nahay jira laynama aqoonsan laakiin waxa la innagula shaqeeyaa in aynu dal madax bannaan nahay.”

Wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan kasoo yeedhay Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi waxaanu yidhi. “ Hay’ad kasta oo Somaliland joogta waxay kaga shaqaysaa ruqsad ay dawladda Somaliland siisay hay’addaha caalamiga ah, Sida UN- ta, iyo kuwa maxaliga ahIba waxay hashiis wada shaqayneed ka qaatan dawladda Somaliland , arrinta waxba kama jiraan hay’aduhu nooc walba oo ay yihiin waxay ku shaqeeyan oo ay nagula shaqeeyan magaceena iyo dawladnimadeena.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply