Xukuumadda oo ku Talisay in Wada Hadal lagu Dhameeyo Khilaafka Xisbiga Waddani

0
276

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani in ay ku dedaalaan sidii ay khilaafka dhexdooda yaala ugu dhamaysan lahaayeen wada hadal.

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu tilmaamay in ay garab taagan yihiin xisbigaasi, isla markaana aanay la jeclayn in uu khilaafka dhexdoodu sii dabo dheeraado, ama uu sababo burbur iyo tafaraaruq ku yimaada xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Xisbiyadeenu in ay mudakar noqdaan baynu doonaynaa, daacayadna ka dhigi mayno, inagu kana faa’iidaysan mayno, ayaamahan xoogaa khilaaf ah oo aad warbaahnta ka maqlayseen oo xisbiga Waddani ah baa jira. Walaalaheen Xisbgia Waddani waxa aan leenahay, xisbigu waa hanti qaran, madaxdii soo tacabtay baad tihiin, waxa aanu leenahay ha la ilaaliyo xisbiga Midnimadiisa.”

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyeyaasha garabka Haweenka ee xisbgia Kulmiye. Waxaanu tilmaamay in ay ka xisbi Kulmiye ahaan ay wanaag uun kaga talo gali doonaan xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Haddii aynu Kulmiye nahay arrintaas wax wanaag ah mooyaane wax kale kaga tashan mayno, waynu barbar-taagnaanaynaa Xisbiga Waddani, wixii ay inooga baahdaan ee taageero ahna waynu la barbar taaganahay oo dee xisbi guun ah oo soo jiray oo khilaafyadu meelaha ay maraan garanaya baynu nahay, diyaar baanu idiin nahay, idinkuna wiirsan mayno, idinkuna qosli mayno ee waxa aanu idin leenahay xisbiga ha lagu mintido oo khilaafka dhexdiidana ha lagu dhameeyo wada hadal.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply