Maxkamad 3 Sanno ku Xukuntay Gabadh Lagu Eedeeyay Hadallo Ceeb ku ah Qaranimadda Somaliland

0
315

Hargaysa (Dawan): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa shalay xukun dhan saddex sanadood oo xadhig ah ku riday Naciima Axmed Ibraahim oo ilaa 27-kii bishii January ee sanadkan ku xidhnay magaaladda Hargaysa.

Kadib markii garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa ay ka qabteen ciidamadda amaanku iyadoo ka soo laabatay dhinaca magaaladda Muqdisho ee dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday shalay in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay iyo cambaareyn ah oo waxyeello ku ah qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland jeedisay, xili ay markaa ku sugnayd Muqdisho.

Dhegaysiga dacwado loo haystay Naciima Qorane oo mudooyinkan ka socotay maxkamadda Hargaysa ayaa la sheegay in cadaymo buuxa oo ku filan loo hayo eedaha loo haysto Naciima Axmed Ibraahim.

Dacwadan oo uu dhibane ka ahaa qaranka Somaliland waxaa ku dhawaaqay garsoore Idiris Maxamed Maxamuud, oo ahaa garsoorihii gacanta ku hayay dacwadaasi. Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku soo gudbinayaa dacwad maanta (shalay) ka dhamaatay maxkamadda gobolka Hargaysa, oo ay xukun ka soo saartay.

Dacwadaasi oo uu dhibane ka ahaa qaranka Somaliland lidina ku ahaa eedaysan Naciima Axmed Ibraahim, ina Khadra Cali, da’deedu tahay 27 sanno jir. Taasoo lagu soo eedeeyay laba qodob oo kala ah qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud, iyo qodobka 219.

Qodobadaasi oo ah dacwadaha ay metelaan dawladu, oo lidi ku ah qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland”.

Wuxuu sheegay garyaqaan Idiris Maxamed, in labadii dacwadood ee lagu soo oogay Naciima Qorane mid ka mida lagu waayay, hase yeeshee qodobka 219 ee xeerka ciqaabta guud lagu helay, kaasoo xukunkiisu noqday 3 sanno oo xadhig ciqaabeed ah.

“Markii ay maxkamadu si fiican u baadhay kiiska Naciima, maxkamadu waxay ku wayday labadii dacwadood ee lagu soo eedeeyay mid ka mida, kaasoo ahaa qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud.

Hase yeeshee maxkamadu waxay Naciima ku heshay qodobka 219 ee xeerka ciqaabta guud, faqradiisa 2aad, kaasoo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyay, isla markaana ay maxkamadu kaga xukuntay saddex sanadood oo xadhig ciqaabeed ah, oo looga bilaabi doono maalintii xoriyadda laga qaaday”ayuu yidhi garyaqaanku.

Geesta kale qareenadii difaacayay Naciima Qorane, ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunkaasi, isla markaana ay maxkamadda racfaanka u gudbinayaan, maadaama oo siday sheegeen aanay ku qanacsanayn xukunkaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply