Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa oo Gabagabo ku Dhow

0
307

Hargaysa (Dawan)- Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Hargaysa Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in uu gabagabo ku dhawyahay mashruuca biyo ballaadhinta caasamadda Somaliland, isla markaana ay dhamaad ku dhawdahay hawsha dhigisti beebabka biyaha soo gaadhsiinaya magaalada Hargaysa.

Maxamed Cali Daarood oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in ay bixiyeen tartanka qandaraaska mashruuca biyo ballaadhinta ee dhigista beebabka biyaha soo gaadhsiinaya magaalada Hargaysa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la dhigi doono beebkii biyaha u qaybinayay magaaladaada.

Maareeyaha oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu bilownay tartanka qandaraaska dhigista beebabka biyaha soo gaadhsiinaya magaalada Hargaysa oo ay maalgalinayso dawlada Jarmalka, iyada oo fulintiisa la soo marinayo bangiga horumarinta ee Jarmalka, waxaana mashruucan lagu dhisi doonaa afar bardkood oo waawayn oo laga dhisi doono degmooyinka caasimada sida Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe iyo Gacan-libaax iyo kayd laga dhisi doono kaydkii hore ee biyaha ee Hargaysa.”

Maxamed Cali Daarood waxa uu intaasi ku daray “waxa kale oo la dhigi doonaa beeb kii biyaha u qaybinayay caasimada, waxaana mashruucani meesha ka saari doonaa biyihii aan wada gaadhi jirin magaalada Hargaysa, waxa kale oo laga dhisi doonaa kaydka biyaha meeshii dawada biyaha, waxaana meel fiican maraya beebabka biyaha lagu keenayo magaalada Hargaysa ee ka imanaya Geeddeeble iyo Horuhaadlay, waxaana gabogabo ku dhaw dhigista beebabka biyaha lagu keenayo magaalada Hargaysa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply