Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo Daahfurtay Barnaamij Aqooneed Cusub

0
253

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa daahfuray barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay inay ka faa’ideystaan ardayda fasalada afraad ee dugsiyada sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Barnaamijkan oo ka bixi doona Tv-ga Bulsho ayaa loogu magic-daray (Aqoon-jire), waxaanu wasiirku sheegay in barnaamijkani yahay mid loogu talo galay xoojinta iyo tayeynta waxbarashada ardayda, waxaanu ugu baaqay waalidiinta iyo ardayduba inay ka faa’ideystaan barnaamijkan oo habeen danbe laga bilaabo si toosa uga bixi doona Tv-ga Bulsho.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo sayniska mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ugu horeyn waxaa uu faahfaahin ka bixiyay nooca uu yahay barnaamijkani waxaanu yidhi “Ardayda wax ka barata fasalada afraad ee dugsiga sare oo uu hada soo dhaw yahay imtixaankii iyaga iyo waalidiinta dhashay inaanu u sheegno inay ka faa’ideystaan barnaamij sanadkii horena la bilaabay, hadana aanu ku celineyno looguna tala galay xoojinta iyo tayeynta ardayda waxbarashadooda si ay imtixaanka uga gudbaan oo ay uga faa’ideystaan oo meelaha aan sidii la rabay aanay u fahmin ay ka caawiyo”

Wasiir Faratoon waxaa uu xusay inay barnaamijkan ugu talo galeen ardayda aan fursada u helin waxbarasho tayo leh oo la xidhiidha aqoonta ay bartaan ee fasalada afraad iyo sadeexaad waxaanu yidhi “Barnaamijkan waxaa la yidhaaha Aqoon-jire kaaso loogu talagalay inuu kaabo oo xoojiyo tayeeyana ardaydu wixii ay soo dhigteen sanadka afraad iyo ka saddexaad, waxaana barnaamijkan loogu talagalay arday aan helin fursad wanaagsan oo ay wax ku bartaan haday macalimiin, waxaanu barnaamijkana bilaabmaya maalinta bariya oo ah maalin arbaco ah bishuna tahay 18/4/2018 ilaa dabayaaqada bisha june wuu socon doonaa”

“Waxaanu waalidinta iyo ardaydaba ugu baaqaynaa inay barnaamijkaasi ka faa’ideystaan barnaamijkanina waxaa uu si joogta ah uga bixi doonaa oo aad ugala socon doontaan Tv-ga Bulsho”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply