Wasiir Seed Sadex Guddi u Magacaabay Dar Dar Geliya Wax-soosaarka Beeraha

0
268

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa ku dhawaaqay magacaabista saddex guddi oo loogu talo galay hawlqabadka mashruucyada  wax soo saarka dalagyada ee deegganada Wajaale, Beer iyo Xaaxi .

Wasiirka ayaa sheegay in guddigan loo baahday ka dib markii la eegay muhiimadda iyo kor u qaadista wax soo saarka dhanka beeraha  ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiir Seed oo guddiyadan lagu magacaabay, ayaa u dhignaa sidan. “Markaan arkay: Muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wax soosaarka dalka. Markaan Tixgaliyey: Waayo-aragnimadooda, Aqoontooda iyo Hawlkarnimadooda. Markaan arakay: in baahi weyn loo qabo in laga faaiidaysto goobaha waxsoosaarka dalka, Markaan arkay: Siyaasadda Horumarinta Beeraha ee ku waajahan wax Soosaarka dhul beereedka, Markaan arakay: in ALLE raxmadii inoo shubay wakhtigii beeristuna taagan tahay
Markaan arkay: Ahmiyadda dhiiri galinta aqoonyahanada shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Laga bilaabo Taariikhda Maanta:
Waxaan u Magacaacabay Mashruuca Wajaale –
1. Mowliid Xasan Cabdi (Madaxa Mashruuca Wajaale)
2. Maxamed Maxamuud X. Maxamuud
3. Nimco Maxamed Aadan
4. Axmed Faarax Axmed
5. Cali Cabdillaahi Ibraahim

Waxaan u Magacaabay Mashruuca Beer –

  1. Maxamed Cabdi Maxamuud Guray (Madxa Mashruuca Beer)
    2. Maxamed Sheikh Cismaan Axmed
    3. Aamina Xasan Siciid Dirir
    4. Mubaarig Cabdi Cismaan
    5. Cabdillaahi Xasan Yuusuf

Waxaan u Magacaabay Mashruuca Xaaxi –
1. Jamaal Degel Maxamed (Madaxa Mashruuca Xaaxi)
2. Sayid Faarax dhinbiil
3. Xaliimo Xasan Odowaa
4. Cabdicasiis Xasan Yuusuf
5. Axmed Saleebaan CabdI”

 

 

 

Hay’adda Qurba-joogga oo

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply