Xildhibaano Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Magacaabista Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadda Qaranka

0
328

Burco (Dawan): Maayar ku xigeenka degmada Burco, xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), iyo xildhibaan Khadar Nuux Siciid, oo labadoodu-ba ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay xilalka uu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Burco.

Sidoo kale waxay masuuliyintaasi madaxweynaha ku bogaadiyeen badhasaab ku xigeenkii gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, oo isna uu madaxweynuhu u magacaabay in uu ka mid noqdo xubnaha guddiga qandaraasyadda qaranka.

Masuuliyiintantaasi oo shalay si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Burco, ayaa sidoo kale waxay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ugaga mahad celiyeen in uu xilal cusub u magacaabo laba masuul oo hore uga tirsanaa masuuliyiinta gobolka Togdheer.

Waxaanay xubnahaasi ka markhaati kaceen in guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka uu yahay masuul ku haboon xilkaasi, iyagoona ku tilmaamay in uu yahay shaqsi hawl kar ah oo ka soo bixi kara xilka ummadda ee uu madaxweynuhu u igmaday.

Muxumed Jaamac Xasan (Xoday), maayar ku xigeenka Burco oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Dhamaanba masuuliyiintaasi waxaan leenahay xilkaa uu madaxweynuhu idiin magacaabay ILLAAHA (SWT) ha idiin fududeeyo. Markii hore heer gobol iyo heer degmo ayaad ahaydeen’e laakiin xilkaa imika la idiin magacaabay qaranka jamhuuriyadda Somaliland waxaad uga wakiil tihiin guddiga qandaraasyadda qaranka.

Waxaan filayaa in hawshaasi siday tahay aad uga soo bixi doontaan, anagoo ka markhaati kacayna in labaduba ay yihiin masuuliyiin gobolka Togdheer taariikh ku leh”.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo isna ka dareen celiyay labadan masuul ee ka soo jeedda gobolka Togdheer ee uu madaxweynuhu xilalka cusub u magacaabay ayaa sheegay labaduba in ay yihiin masuuliyiin ku sifoobay shaqo wanaag iyo waxqabad.

Mubaarig Bidhi, oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Guddoomiyaha cusub ee guddiga qandaraasyadda qaranka madaxweynuhu u magacaabay Nuux Maxamed Xuseen, waxaan ku aqaanaa in uu yahay nin hawl kar ah. waxaanan odhan karaa madaxweynuhu wuu asiibay in uu u magacaabo xilka ah guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka. Waxaanan rejaynaynaa in uu ka soo bixi doono xilkaasi.

Madxweynaha-na waan uga mahad naqaynaa in uu Nuux u magacaabo xilkaasi, waanan ku faraxsanahay, waanan ku garab taaganahay, waanan kula shaqayn doonaa”.

Waxa kaloo uu xildhibaan Mubaarak Yuusuf Cilmi Bidhi, madaxweynaha uga mahad celiyay badhasaab ku xigeenkii gobolka Togdheer oo uu isna u magacaabay in uu xubin ka noqdo guddiga qandaraasyadda qaranka. “Sidoo kale waanu isna u ducaynaynaa Maxamed Diiriye Xayd, oo ahaa badhasaab ku xigeenkii gobolka Togdheer, oo isna uu madaxweynuhu u magacaabay in uu noqdo xubin ka tirsan guddiga qandaraasyadda qaranka.

Waana nin waayo arag ah, oo qiimo ku leh gobolkan Togdheer, waana nin aanu og nahay in uu xilkaa ka soo baxayo. Waxaanan leeyahay labadaba ILLAAHAY (SWT) ha u fududeeyo xilkaasi”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Bukaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa bulshadda Somaliland ugu baaqay in ay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa la shaqeeyaan, isla markaana meel looga soo wada jeesto in la difaaco qaranimadda.

Waxaanu yidhi “Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay, madaxweynuhu afar bilood ayuu joogaa, wakhti la mucaarado iyo wakhti la maago iyo wakhti wax laga sheego iyo wakhti la naqdiyo weli ma joogno. Malaha dadkeenu iyagaa mucaaradadda u samaysane, waxaan leeyahay ha lala shaqeeyo mucaarad iyo muxaafad-ba, dawladda ha lala shaqeeyo, madaxweynaha-na ha lala shaqeeyo, markay noqoto danta qaranka-na hala wada difaaco”.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay xildhibaan Khadar Nuux Siciid, waxaanu yidhi “Nuux Maxamed Xuseen, oo uu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland waa nin aanu ka marag kacayno in uu yahay hawl kar.

Muddo dheer-na aanu ka wada shaqaynaynay gobolkan Togdheer. Waa nin horumarka ku suntan, waa nin waxqabad ku suntan. Waxaanan leeyahay xilka uu madaxweynuhu u dhiibay wuu ku mahadsan yahay.

Ninka labaad ee ka soo jeeda Togdheer ee uu madaxweynuhu magacaabay, waa badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xayd. Isaga-na waxaan leenahay madaxweyne jagadaas aad u magacawday waa nin ku haboon oo qaban karaya”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply